Xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay Burkina Faso iyo dad careysan oo gubay Baarlamaanka dalkaas

Xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay Burkina Faso iyo dad careysan oo gubay Baarlamaanka dalkaas

Madaxweynaha Burkina Faso President Blaise Compaore ayaa xukun deg deg ah ku soo rogay dalkiisa, kadib dibad baxyo rabshado wata uu hareeyay caasimada Ouagadougou, iyadoo dad careysan ay gubeen Baarlamaanka dalkaas.

Dadweynaha careysan ayaa ka soo horjeeda muddo kordhin uu doonayo inuu sameysto Madaxweyne Blaise Compaore iyo is bedel lagu sameeyo dastuurka.

Sidoo kale dadweynaha careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismaha xarunta Xisbiga talada haya, waxaana banaan baxyada uu ku sii fidayaa dalka oo dhan.

Dadweynaha dibad baxaya ayaa waxaa goor sii horeysay ku sii biiray ciidamo ka tirsan Milateriga oo iyana ka soo horjeeda inuu xilka sii kordhisto Madaxweynaha talada haya.

Mr Campaore ayaa awooda dalkaasi afgembi kula wareegay sanadii 1987-dii, waxaana uu xilka hayaa muddo 27-sano ah.
Waxaa horay loo dhaliilay doorashooyin uu ku guuleystay Madaxweyne Campaore.

Dibad baxyada ayaa caawa fiidkii ka sii socday magaalada Ouagadougou, waxaana la dhigay ciidamo fara badan goobaha muhiimka ah ee dowladda.

54321

J

Advertisements

Fikir kaada ka dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s