Dawlada iyo AMISOM oo la wareegay Biya Cade Sh/dhexe & Al shabaab oo guulo sheegtay

awlada iyo AMISOM oo la wareegay Biya Cade Sh/dhexe & Al shabaab oo guulo sheegtay
Fb-Button

Jowhar–KNN–Iyadoo dagaal maanta uu ku dhexmaray deegaanka Biyo cadde oo duleedka Jowhar ku yaalla ciidamada dawlada oo AMISOM la socdeen iyo Al shabaab ayaa waxa soo baxaya warar cusub.

Dagaalka ayaa soo gaba-gaboobay sida ay Dawlada Somaliya saraakiil uhadashana ay sheegeen waxa deegaanka Biya cade la wareegay Dawlada iyo AMISOM.

Taliye katirsan ciidamada Dawlada oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Xuseen Garabeey ayaa usheegay warbaahinta Afka Dawlada ku hadasha inay gacanta ku hayaan deegaankii maanta lagu dagaalay.

Biyo-Cade ayaa ujira xarunta gobolka Shabellaha dhexe qiyaastii 26-km waxaana maamulayey mudooyinkii udambeeyey Al Shabaab waxaana deegaanka lagala wareegay uu ka dhigan yahay meeshii labaad oo muddo todobaad gudihiis ah in Shabaab ay waayeen iyadoo Mahadaay laga qabsaday dhawaan.

War ay Shabaab soo daabaceen galabta ayey guulo ka sheegteen dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Biya cade iyagoo sheegay inay gaari nuuca dagaalka ahaana ay gubeen.
http://radiokulmiye.com/knn/df-iyo-amisom-oo-la-wareegay-deegaanka-biya-cade-g-shdhexe-al-shabaab-oo-guulo-sheegtay/

Advertisements

Fikir kaada ka dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s