Qiso dhex martay wiil shuuci ahaa iyo sheekh lahaa murti aad u wanaagsan

Qiso aad u wanaagsan’
Wiil baa waxbarasho u tagay
Dhulka Shuuciyiinta, Isagoo ku
nagaaday Dhulkaasi Wakhti
Badan, Kadib waxa uu ku soo
laabtay Dhulkiisii, Ehelkiisuna waxay u
Soo Dhoweeyeen Qaabkii ugu wacnaa,
Haddaba markii uu yimid Waqtigii
Salaadu Buu Diiday Wiilkii inuu aado
Masjidka Waxa uu Dhahayna: Ma
Tukanaayo Ilaa aad ii Keentaan Sheekha
Ugu wayn Culimada Magaalada, si uu
Jawaab iiga Siiyo Saddexdayda
Su’aalood. kadib waxaa loo Keenay Mid
ka mid ah Culimada Xaafadda, wuxuuna
Sheekhu Waydiiyay Wiilkii:- Maxay Yihiin
Su’aalahaagu?
Wiilkiiba yiri:- Ma waxaad u Malaynaysaa
Inaad Awoodi karto Jawaabahooda,
Iyadoo Hortaada ay ka jawaabi waayeen
Dad badan.
Sheekhii baa yiri:- Keen waxa aad heyso,
Insha Allaah waan Isku dayi Doonaa.
Wiilkiibaa yiri:- Sadexdayda Su’aalood
waxay kala yihin :-
1- Allaah SW, Ma yahay mid Jira? Haddii
uu Jirana itus Qaabkiisa?
2- Waa maxay Qoraalka iyo Qadarku ?
3- Haddii Shaydaanka Laga Abuuray Dab,
Maxaa Aakhiro Dab loogu Tuurayaa,
Iyadoon Dabna Dabkale wax ka Qaadi
karayn ?
Markii Wiilkii uu Dhamaysatay Hadalkii,
baa Intuu Istaagay Sheekhii, oo yiri:-
Anaa kaaga jawaabaayo ee si fiican ii
Faham Wiilkeygiyoow.
Su’aashii hore Sheekhii wuxuu uga
jawaabay sidatan:- Intuu Bahal
Dhirbaaxo ah oo kulul Wajiga kaga
Dhuftay Wiilkii, Ilaa uu la Dhul dhici
gaaray Dhirbaaxada.
Wiilkiiba intuu Carooday yiri:- Maxaad ii
Dhirbaaxday, ma waxaad Awoodi kari
wayday Jawaabtii?
Sheekhi baa yiri:- Maxaad Dareentay
Markaan ku Dhirbaaxay ?
Wiilkii ayaa yiri:- Waxaan Dareemay
Xanuun aad ah.
Sheekhii ayaa misana yiri:- ma u
Malaynaysaa In Xanuunku Joogo
Wiilki baa yiri:- Haa, Xataa Wali waa Isii
hayaa
Sheekhiba Dhahay: Bal i tus Qaabka uu
Xanuunkaasi u egyahay, haduu Joogo
Wiiilkiibaa yiri:- Ma Awoodi karo inaan
ku tuso.
Sheekhii ayaa yiri:- Haddaba taasi waa
Jawaabta Su’aashaadi Hore,
Dhamaanteen waan Dareemaynaa
Joogitaanka Allaah SW, waxaanan ku
Dareemaynaa Raadkiisa iyo
Calaamooyinkiisa, Laakin Ma awoodi
karno Aragtidiisa Aduunyadan
Dhexdeeda.
2) Kadib Sheekha sii watay Hadalka
Isagoo leh:- Habeen Hore maku Riyootay
In Ruux kaa Dhirbaaxi Doono Wajiga
Wiilkii baa yiri:- Maya.
Sheekhii:- Cidina makuu Sheegtay Inaan
Anigu ku Dhirbaaxi doono ama Ogaansho
hore ma lahayd Arintaan.
Wiilkii baa yiri:- Maya.
Sheekhi baa yiri:- Hadaba Waakaas
Qoraalka iyo Qadarku, Ma garan kartid
Waxna ka hor inta aysan Dhicin.
3) Ka dib Sheekha ayaa hadalka sii wata
oo Dhahay:- Gacantaydan aan kugu
Dhirbaaxay, maxaa laga Abuuray?
Wiilkii ayaa ugu jawaabay:- Dhoobo, baa
laga Abuuray.
Sheekhii baa yiri:- Wajigaagana maxaa
laga abuuray ?
Wiilkii:- Sidoo kale Dhoobo baa laga
Abuuray.
Sheekhii:- Maxaad Dareemaysaa Kadib
markaan ku Dhirbaaxay.
Wiilkii:- Xanuun.
Sheekhii: Isla sidaasoo kale, Sheydaan
Isagoo laga Abuuray Dab, buu Allaah uga
yeelay Naarta Goob aad u Xanuunjisa.
Intaas ka dib Wiilkii wuu Qancay,
Waxuuna la Aaday Sheekhii Salaadii,
Islaamadiisiina Gadaal buu ka
Hagaajistay, ka dib markii Caqligiisa laga
tirtiray Qaladaadkii ku jiray.
(ILAAHOOW TOWBADA IYO TOWXIIDKA
NA WAAFAJI, YAA RABBI)

Posted from WordPress for Biyacade

Advertisements

Fikir kaada ka dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s