Shabaabku Shartoodii Nagala shaafiyaye Yaa noo sheekh ah

Shabaab macnaheedu waa dhalin yaro marka loo eego luqada carabiga balse haatan waa urur diimeed ka dagaalama soomaaliya gaar ahaan koonfurta soomaaliya

Ururka al shabaab waxeey dagaalo dad badani ku dhinteen la soo galeen. hogaamiyayaal soomaali ah ku waasoo ka shaqeeynayay danaha dowlada shishiyeeye iyo gaalo isu biirsatay la dagaalanka islaamka

2006 soomaaliya waxaa ka soo baxay Urur sheeganaya diinta islaamka kuwaasoo ay ka buuxday siyaasad qabyaaleed gacantana ku dhigay koonfurta soomaaliya ayagoo dagaal la galay hogaamiya kooxeedyadii ka fogaaday alle iyo rasuulkiisa.

Balse maxaakiimta oo ay ka buuxaan kuwa aan daacad u aheeyn islaamnimada oo xukum raadis ah iyo qolya daacad ah oo yar baa kasbaday taageero wanaagsan ayagoo helay dhaqaale aduunka islaamka soo dirayay sida kuweeyd, qadat. Imaaraadka iyo sacuudiga.

Isla sanadkii 2006 ayaa boorka laga jafay dowladii uu madaxweeyne ka ahaay cabdulaahi yuusuf taasoo ay dhaqaale ku bixiyeen cadawgii ilaaheey ee uu hogaanka u haayay mareeykanka taasoo kaashaneysay ciidamada itoobiyaanka ah, waxaana dhacday in laga itaal roonaaday maxaakiimtii islaamiga aheyd taasoo kaliftay in ay isaga baxaan dhamaan koonfurta soomaaliya

Xaalka inta kuma ekaane waxaa soo baxay niman yar oo magacooda noqday ALSHABAAB kuwaasoo dagaallo ka sii waday koonfurta soomaaliya

Dowladii dastuurka ka dooratay kitaabka alle waxeey gashay dhibaato khilaaf iyo is qabqabsi

Halka kuwii shabaabka ahaa ay diintii u rogeen is qaldan ayagoo la dagaalamay ururadii islaamka ahaa sida maxaakiimtii islaamiga aheyd, xibul islaam! Raasgamboone’

Xibsul islaam waxeey ku dhamaatay fashil halka raasgambooni ay gashay keenya una cid wacatay gaalo ayadana’

Shabaabkii ayaa noqday quwada kaliye ee ka taagan koonfurta soomaaliya dad badan ayaa u riyaaqaya una qaatay in la helay islaam sax ah
Balse dhibaato ba’an ayaa lala kulmay ka gadaal markii la arkay wax aanan horay maskaxi ugu soo dhicin muslim soomaali ah na ku fikirin ayadoo noqotay ka daroo dibi dhal

Reer muqdisho waxeey qaati ka taagnaayeen hogaamiye kooxeed oo isbaara dhigtay
Habaarkii ay ku gameen wuxuu dhalay niman diin sheeganaya habaarki lagu gamayna wuxuu dhalay niman diinta dadka kawada saaray

Qof is qarxinaya. Nin hooyadii dhahaya gaala baad tahay, hooyo aabe xaaraan buu kkugu qabaa iyo wax dhagi aysan maqal indhana aysan arag

Dilal gaadma ah kaasoo bahdil ku noqday islaamnimada

‘SHABAABKU SHARTIISII DHAMAATAYE YAA NOO SHIIKH AH’

Ujeedada warka aan u soo dhaa dhacno dhibka waxaa noo horseeday wadaadaii soomaalida ahaa ee suufiyada kheeyr allaha siiye waxaan sidaa u leeyahay hadii ay hogaamiye kooxeedyadu diinta ugu yeeri lahaayeen ama ay la dagaalami lahaayeen Shabaabka shayaadiinta ah ma imaadeen

Suufiyada waxaa lagu sheegaa in ay yihiin dad jecel in wax la siiyo taasoo keentay in ay dadka xoolaha lihi ay nacaan wadaadada siifiyada
Ileen ninbaa nabiga u yimid markaa buu ku dhahay Nabi allow ii sheeg wax dadka igu jeclaadaan allana igu jeclaado
Markaas buu nabiga dhahay NNKH wax ha weeydiin…………ilaa dhaadka xadiiska…..

Waxaa kaloo xadiis ahaa gacanta koreeysa ayaa ka kheyr badan gacanta hooseysa

Dar Daaran’ waxaan ugu dar daarmayaa wadaadada ahlu sunnada ah ee suufiyada ah in ay u istaagaan la dagaalanka fikirka cusub
Waxaan leeyahay BUNKii aad cuneeyseen baa la idinkaaga faaiideeystay Nimanka dhaqaala heeysta baa dalkii iyo dadkii fikirkooda ku faafiyay badiya waanada kana qeeyb qaata dib u dhiska dalka oo dajiya shuruucda dalka lagu dhaqayo la dagaalama dastuurka kuna wacyi galiya dowlada in ay kitaabka wax ku maamulaan waana tan kaliya ee aan ku samata bixi karno
Wabilaahi Towfiiq
Wixii aan qalday waxeey ka ahaadeen nafteda iyo sheeydaan oo igu saaciday
Wixii aan saxay na alle ayeey ka ahaadeen

W/Q shariif adow sheikh

One comment

Fikir kaada ka dhiibo