Faaiidada saalada aduunka qiso yaab badan

faa’idada salaadda
adduunka qiso yaab badan”
Post a Comment
Comment as:
Publis Previe
NEWER POST OLDER POST HOME
Home » sheekooyin » faa’idada salaadda
adduunka qiso yaab badan
Maalin Maalmaha ka
mid ah ayaa Waxaa
Magaalo Soo Galay
Nin Reer Baadiyo ah
oo ka yimid Miiga
Wuxuu Watay Owr
(Rati) ay ugu Rarnaayeen Xoogaa Alaab Ah
oo uu Magaalada u Suuq Keenay, Marku
Magaalada yimid Suuqa Wuxuu Ahaa Mid
Saxmad Badan bo Buuqiisu Badan Yahay,
Intu Iska Daba Wareegayay Oo Howshii
Suuqa Iyo Mashquulkiisa ku Sii Jeeday Ayaa
Waxa la Gaaray Xiligii Salaada Duhur ee
Xiligaas, Wuxuuna ahaa Kaligiis oo Cid Kale
Lama Socon.
Xiligii Salaada Markii La Gaaray Wuxuu Soo
Aaday Dhankii Masaajidka oo Aan Sidaas
uga Fogeen Halka uu ku yaalay Suuqa,
Wuxuuna Ku Xertay Owrkii Meel Aan ka
Fogeyn Masajidka, Owrkana Waxa U Saarna
Dhaman Hantidiisa Marka uu Watay Iyo
Lacagti Wuxu Suuqa Keenay, Sidoo kale
Waxaa u Saarna Raashin Iyo Agab Kala
Duwan oo Badan, Balse Halkii Geedka Ahaa
Ayuu Ku Xertay, Wuxuuna Aaday Masajidka,
Owrka Waxaa ka Qiimo Badan Asiga Iyo
Waxa Saaranba Salaada.
Masjidkii Ayuu Galay Wuxuu Isku Diyaariyey
Salaadii Wuu Weyso Qaatay, ka dibna
Wuxuu galay Safka Hore Masajidka, Wuxuu
Fadhiyaba Waxaa La Aqimay Salaadii, Isla
Markiina Salaadi Ayaa loo Istaagay, Odaygii
Reer Miyiga Ahaana Salaadi Ayuu Dhankiisii
ka Galay, Waa Dukaday Waana Duceystay,
markuu Ducadii soo Dhameystay ayuu ka
soo baxay Masjidkii.
Marku Yimid Geedkii uu Owrka ku Xirtay
Owrkiiba ma Joogo, Haddaba ma Nixin,
mana Argagixin, wuxuu Celiyay Naftiisa,
Wuxuna Dajiyay Qalbigiisa, Haddaba Muxuu
Sameyey Markaas ka dib? Wuxu yiri:- Eebow
Waxaan Aaday oo soo Gutay Amaanadi Aad
Saartay Dusheyda (Salaada), ee Aaway
Eebow Amaandi Aan kuu Dhiibtay ee Aan
kugu Amaaneystay? Isla Markiiba Waxaa
yimid Owrkii oo kaligiisa Socda, Wuxuna ka
Qabtay Hogaanka Isagoo Leh:- Dadoow
Salaada Ilaaliya, waad Aragtaan iney Waxey
ii soo Celisay, Dadoow waxaad Ogaataan
Qofkii Wanaajiya Xiriirka Rabi, weligiisa Dhib
Arki maayo.
Wabillaahi Towfiiq.
(ALLOOW NAGA YEEL KUWII SALAADA
XAFIDA).
W.Q:- Macoow Ustaad.

Posted from WordPress for Biyacade

Advertisements

Fikir kaada ka dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s