Gariir shimaraduu ka walax yahay iyo feera feenfeenashaadu kala duwan wa sheeko xiisa badan

Waxaa la yiri waxaa jiray nin wadaad ahaa oo u duraaman jiray haweenka iyo caruurta

Bari baa islaan waayeel aheeyd jecelna Diinta islaamka iyo wadaada quraanka aqriya baa gurigeeda waa ku soo dul dagtay gariir madoobe oo soomaalidu u taqaano qumay gurigii uu ku soo dagtaana ay qofi ka dhiman doonto

Islaantii baa wadaad u tagtay oo ku tiri wadaadoow gurigeeyga waxaa ku soo dul dagtay aroortii hore gariir madoobe ee sheekhow kaalay oo ilmaha iigu durraamo

Wadaadkii baa ku yiri
Eedo GARIIR SHIMBIRKOOW KA WALAX YAHAY

Islaantii kuma aysan qancine wadaad kale ayeey u tagtay oo sidii ayeey ku tiri markaasuu dhahay
Nabe ilmahaa lagu jiraa ee in loo durraanta waaye
Sidaasi ayeeyna isku raaceen oo wadaad isku sheegii waxa uuna dhahay bil hebel maalin hebel marka Ay bisha gadaal marto habeen hebel ayaa loo duraamaa ee ku tasho wadaadada

Islaantii sidii ayeey sameeyay
Halka wadaad isku sheegee uu dhalin yaro xer ah iyo kutaab isku soo aadistay wuxuuna u yeeray wadaadkii lahaa
GARIIR SHIMBIRADOW KA WALAX YAHAY
Habeenkii balanta ayaa la isugu imaaday meeshii waxaa lagu cunay hilib iyo cambuulo waxaa la qaatay oo la qeebiyay khidmad baaso ah
Balse intii lagu dhex jiray cunista hilibka baa waxaa sheeko dhex martay labadii nin ee kalaa kii wadaadka ahaa iyo kii wadaad isku sheega ahaa

Kii wadaad isku sheega ahaa ayaa waxa uu arkay wadaadkii oo feer inta ku soo aaday aad u feen feenahaa misana ay la macdahay
YACNII WADAADADA HILIBKA AAD BEEY U JECELYIHIIN
Markaasuu inta dhegta u dhawaaday ayuu ku dhahay wadaad hebeloow

GARIIR SHIMBIRKOOW KA WALAX YAHAY IYO FEERE FEENASHADAADA KALA DUWAN

SHEEKADAAN IYO MID LA MID AH BA WAXAAN SOO QORI DOONAA ISBUUCYADA SOO SOCDA HADII ALLA IDMO
FG: ujeedada sheekadu ma’aha in wadaadada loo gafayo ama lagu caaynayo ee waa sheeko dhacday oo ka jira soomaaliya

W/Q SHARIIF ADOW SHEIKH
SHAFKA115@GMAIL.COM

<

p class=”post-sig”>Posted from WordPress for Biyacade

Advertisements

Fikir kaada ka dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s