quote Calaamada Simin Aakhirka iyo Warkii Nabiga NNKH

Cllaahi Ibn Cabaas (RC) waxaa uu yiri in Nabi Muxammad markii uu dhameystey xajkiisii ugu dambeeyey oo ku beegneyd sanaddii 10aad ee Hijriyada uu hor istaagey iridda laga galo kacbada barakeysan, isago gacanta ku haya qufulka iridaasi, isla markaana ku dhahaya asxaabta

‘ MA IDIN SHEEGAA ASTAAMAHA MAALINTA QIYAAMAHA LAGU GARTO?

Salmaan Faarisi oo ka mid ah ahaa asxaabta isla markaana taagnaa meel u dhow nabiga CSW, ayaa yiri ‘ Haa Yaa Rasuulu Allah CSW inoo sheeg’

Rasuulka ayaa markaa yiri ‘ Xaqiiqo ahaan, astaamaha lagu garto inay soo dhowaatey saacadda waxaa ka mid ah
1) in dadku ay salaadda dhayalsadaan

2) Dadku waxay u hogaansami doonaan hawadooda ama shahwaadkooda.

(3) Waxay ku dadaali doonaan inay naftooda uun u roonaadaan, waxayna aad u xishmeyn doonaan dadka maalqabeenka ah.

4) waxay iibsan doonaan diintooda iyagoo ku bedelanaya aduunyo

5) Waqtigaasi la joogo ruuxa iyo
qalbiga muminka ah waxay noqon doonaan kuwo murugo darteed u milma, soda milixda ama cudbada ay ugu milanto biyaha, waayo Mu’minku waxaa uu arki doonaa waxyaabo la xaaraantinimeeyey oo lagu dhaqmayo, mana woodo inuu wax ka bedelo.

Salmaan ayaa markaa yiri waxaasi ma dhici doonaan , Yaa Rasuulu Allah CSW?

Rasuulka CSW ayaa yiri, haa waxaan ku dhaaranayaa Rabiga nafteyda ay gacantiisa ku jirto, isagoo raaciyey

6) Waqtigaasi kuwa xukunka haya waa kuwo dhaalimiin ah

7) Wasiiraduna waxay noqon doonaa kuwo caasiyaal ah

8) Kuwa xilalka loo dhiibana ee amaanada lagu maaniye waxay noqon doonaan kuwo wax khiyaameeya
9) Xaqiiqdii watigaasi xumaanta waxaa loo arki doonaa wanaag, wanaagana waxaa loo arki doonaa xumaan

10) Kuwa wax khiyaana waxaa loo arki doonaa kuwo aamin ah, kuwa aaminka ahna waxaa loo arki doonaa ianya waxa khiyaameeyaan. Kan beenta sheegana waa la maaini doonaa, halka kan runta sheegayaa loo arki doono inuu beenaale yahay

11) Waqtigaas waxaa kale oo jiri doonaa maamulo ay haween ka taliyaan.

12) Khiyaanada ama in wax la is daba mariyo waxaa loo arki doonaa ilbaxnimo

13) Zakada bixinteeda waxaa loo arki doonaa sida iyado qofka lagu soo rogey inuu bixiyo ganaax, hantida ummaduna waxay noqon doontaa sida hanti u ruux si gaar ah u leeyahay.

14) Ruuxa waxaa uu kibir kula dhaqmayaa waalidkiisa,, waxaana uu si wanaagsan ula dhaqmayaa saaxibadiisa

15) Xiligaasi waxaa la arki doonaa xidigo gadaal ka jiidan (comets)
Salmaan ayaa markaa yiri waxaasi ma dhici doonaan , Yaa Rasuulu Allah CSW?
Rasuulka CSW ayaa yiri, haa waxaan ku dhaaranayaa Rabiga nafteyda ay gacantiisa ku jirto, isagoo raaciyey
‘ Salmaanow

16) Waqtigaasi haweenka waxay ganacsiga kula shirkoobi doonaan raggooda

17) Roobka di’ doona waxaa uu noqon doona mid kuleyl wata.

18)Dadka wanaagsani waxay noqon doonaan kuwo murugeysan, maaskiintuna waxay noqon kuwo aan la xishmeyn, waxaana jiri doona oo kale suuqyo isku dhow, waxaana ganacsatdaa sida aadka iugu dhow uu midawgeed.

43) Waxaa di’i doona roobab aan watigooda la gaarin.

44)Dadku waxay waqtigaasi cayaari doonaan khamaar iyo musik.
(45) MA jecleysan doonaan dadku inay wanaagga is faraan, xumaantan iska reebaan.

46) Qofka Mu’mika ah xishamadiisa waxay noqon mid aad u hooseysa

Posted from WordPress for Biyacade

Advertisements

Fikir kaada ka dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s