TURXAAN BIXINTA NOLOSHA QOYSKA IYO WAAJIBAADKA NINKA

  Dumarka badan oo uu caddaalad wax ugu qaybiyo:- Ninku hadduu dhowr xaas qabo, waa inuu si caddaaladi ku jirto wax ugu qaybiyo. Kolkuu dal kale amaba deegaan kale u safrayo, doonayana inuu mid kamid ah dumarkiisa sii kaxaysto, waa inuu u qori tuuraa sida uu Rasuulkuba (Sallallaahu calayhi wasallam) yeeli jiray. Haddii habeen uu middood la baryi lahaa ka baaqdana, waxa ku waajib ah inuu dib uga gudo. Rasuulkeenna suubbani (Sallallaahu calayhi wasallam) kolkuu xanuunsanaa ooy ajashiisii soo dhowaatay, waxaa lagu wareejin jiray oo uu midba habeen la baryi jiray dumarkiisa, inkastoo uu Caa’ishah ugu jeclaa. Isagoo xaalkiisu sidaa yahay buu maalin weydiiyey dumarkii: (Xaggeen ahay berrito?), markaas midbaa garatay ulajeeddadiisa oo tiri: “Wuxuuu doonayaa inuu idin weydiiyo maalintii Caa’ishah waa goorma”. Haweenkii kolkaas bay yiraahdeen: “Rasuulkii Allow idan baan kuu siinnay inaad guriga Caa’ishah iska joogto maxaa yeelay waa kugu dhib in habeen walba meel laguu xambaaro”, markaas buu yiri: “Ma raalli baad ka tihiin sidaas”, say yiraahdeen: “Haah”, markaas buu yiri: “Ii duwa gurigii Caa’isho”.
9-                  I

–                  Isafgaranwaa iyo Dagaal aloosma:- Haddii ninka iyo xaaskiisu ismaandhaafaan oo dhibaato ay xallin waayaan timaado, waxay diintu qabtaa in la saaro laba garsoore; mid ka socda qaraabada ninka iyo mid ka socda qaraabada naagta, si ay u eegaan arrinka meesha yaal iyo siday dib-u-heshiisiin uga dhex dhalin lahaayeen labada ruux, hadday wanaag doonayaanna Ilaah baa waafajinaya. Haddii haddaba ay belaayadu ka socoto dhanka naagta oo aanay dooneyn wanaag kuwada noolaasho waxa loogu yeeraa (Naashiso). Naashisada iyo naagta aaan salaadda tukan, waxa loo baahan yahay inuu ninku waaniyo, u digo, cabsiiyo, dhowr habeenna dhabarka u jeediyo (waa gogosha uune ma’aha inuu guriga oo dhan uga guuro). Hadduu intaa wax uga keeni waayana, waa inuu markaa garaacaa. Garaacuse waa inuusan ahaan mid xanuujiya, waana in aanu wejiga ka garaacin, laf ka jebin, dhiigna ka keenin. Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa la weydiiyey: (Muxuu yahay xaqqa ay naagtu ninkeeda ku leedahay?), markaas buu ku jawaabay: (Inuu quudiyo hadduu quuto, inuu dhar u iibiyo hadduu asba iibsado, inaanu wejiga ka cayn kana garaacin, inaanu dil dhaawaca dilin, hadduu ka guurayana gogosha uun kudhex guuro).
10-             Asluubta Galmada:- Kolka uu ninku xaaskiisa u tegayo, waxaa sunno ah inuu ku billaabo magaca Eebbe iyo duco. Ibnu Cabbaas (RC) waxa uu Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) ka weriyey inuu yiri: (Hadduu midkiin kolka uu xaaskiisa u galmoonayo yiraahdo “Allahayow shaydaan inaga fogee, waxaad ina siisana ka fogee”, hadday ubad isu dhalaan shaydaan ma dhibo). Ninku waa in aanu u galmoon xaaskiisa iyada oo caada qabta, waase uu istiimin karaa oo xitaa gacanteeda biyaha isaga saari karaa, waxbuu la cuni karaa, la seexan karaa, mase u galmoon karo. Galmada koowaad iyo tan labaad dhexdooda waa inuu geedkiisa mayraa. Hadduu isku dhadhabo waxa wanaagsan inuu horta intuu kaadihaysta faaruqiyo dabeeto geedka mayro intaanu gabadha utegin. Kolkay ninka iyo xaaskiisu kala dhergaan, intay weyseystaan bay seexan karaan iyagoon janaabadii ka qubaysan. Waxa xitaa Caa’ishah (RC) laga weriyey inuu Nabigu (Sallallaahu calayhi wasallam) seexan jiray isagoo janaaba qaba, jirkiisana aan kabbo biyaa marin. Qofku isaga oo janaabo qaba lama oggola inuu xiirto, ciddiya jarto, bir jirkiisa taabsiiyo, dhiigna iska keeno, maxaa yeelay qaybahaasi jirkiisa ka baxay daahir ma’aha, Aakhirana kolka jirku isu soo uruurayo waxay imaanayaan iyaga oo janaabo qaba. Haddaynu u nimaado arrinta ku saabsan inuu ninku geedkiisa kala bixi karo xaaskiisa intaanay biyuhu ka imaan, waxa arrintaasi ka dhalatay dood fara badan, ha yeeshee waxaa jira xadiis saxiix ah oo laga weriyey Jaabir ibni C/laahi (RC) oo oranaya: (Waan kala bixi jirnay xilligii Rasuulka “Sallallaahu calayhi wasallam”, isagoo Qur’aanku degayo) ama – waa siduu Muslim u qoraye- (Waan kala bixi jirnay, kolkii Nabiga “Sallallaahu calayhi wasallam” loo sheegayna nagama aanu reebin). Muslim waxa kale oo uu qoray xadiis laga weriyey isla Jaabir (RC) oo ah: (Ninbaa u yimid Rasuulka “Sallallaahu calayhi wasallam” kuna yiri: Jaariyad baa ii joogta noo adeegta, geedaha Timirtana inoo waraabisa, aniguna waan soo kormeeraa, mana jecli inay uuraysato, markaasuu Rasuulku “Sallallaahu calayhi wasallam” yiri: “Kala bax haddaad doonto, wixii loo qoray uunbaa u imaan doonee”. Ninkii kolkuu muddo maqnaa buu Rasuulka “Sallallaahu calayhi wasallam”mar kale u yimid, kuna yiri: “Jaariyaddii uurbay qaadday”. Rasuulka ” Sallallaahu calayhi wasallam” baa markaa ugu jawaabay: “Waan kuu sheegay in wixii loo qoray ay u imaan doonaan”).
11-             Asluubta Ubad dhalista:- Ninka carruur dhalaya waxaa laga doonayaa shan waxyaabood oo kala ah:
–                     In aanu aad ugu farxin wiilka u dhashay, kana murugoon gabadha, maadaama aanu garanayn kan labadooda u wanaagsanaan doona. Imisaa ruux wiil dhalay, dhibaatada uu usoo hooyey awgeed ku hammiyey hadduu ka dhiman lahaa, ama beddelkiisa gabari u dhalan lahayd. Waxaa la weriyey inay habla-korintu Eebbe xaggii kaga ajar badan tahay wiilal korinta. Ibnu Cabaas (RC) waxa uu Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) ka weriyey xadiis micnihiisu yahay: (Qofkii laba gabdhood dhala ooy nololi ku sinto intuu wanaag kaga barbaariyo, una roonaada, iyagaaba Jannada geliya). Waxaa la weriyey in qofka carruurtiisa adeeg suuqa uga keenaa uu lamid yahay qof saddaqo u keenay. Haddaba kolkuu hordhigo haku billaabo baa la yiri hablaha, maxaa yeelay qofkii gabar ka farxiyaa waxa uu lamid yahay qof Alla-ka-cabsi u ooyay, qofka cabsidiisa  u ooyana Eeebe jirkiisa Cadaab waa uu ka xaaraantinimeeyaa.
–                     Inuu ku addimo dhegta dhallaanka u dhashay. Waxaa habboon inuu uga addimo dhegta midig, uga aqimo dhegta bidix, hadal barisna uga billaabo Laa Ilaaha illal-Laah, maalinta toddobaad ee dhalashadiisana buuryada ka jaro (gudo).
–                     Inuu wiilka u bixiyo magac wanaagsan. Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) waxaa laga weriyey inuu yiri: (Haddaad magac bixineysaan Cabdiyeeya). Xadiiska micnihiisu waxa weeye u bixiya wiilashiinna magacyada ka billowda Cabdi sida; Cabdullaahi, Cabdur-Raxmaan, Cabdul-Qaadir, iwm. Waxa kaloo laga weriyey: (Eebbe magacyada waxa uu ugu jecelyahay Cabdullaahi iyo Cabdir-Raxmaan). Waxaa kaloo Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) yiri: (Maalinta Qiyaamaha waxa la’idinkugu yeerayaa magacyadiinna iyo magacyada aabbayaashiine, magacyo wanaagsan la baxa). Gabadha lafteeda magac wanaagsan waa in loo bixiyaa.
–                     Inuu wiilka ugu waqlalo laba neef oo ari ah, gabadhana hal neef. Waxaa weliba habboon inuu maalinta toddobaad intuu timaha ka xiiro, saddaqeeyo miisaankooda oo dahab ama qalin ah.
–                     Inuu ugu af-billaabo Timir ama Xalwo. Asmaa’ binti Abii-Bakr (RC) oo ahayd Caa’ishah (RC) walaasheed iyo xaaskii saxaabigii weynaa Subayr ibnu Cawwaam (RC), waxaa laga weriyey: (Cabdullaahi ibnu Subayr baan ku dhalay “Qubaa’”, markaas baan intaan Rasuulka “Sallallaahu calayhi wasallam” u keenay, dhabta u saaray, markaas buu dalbaday in Timir loo keeno, oo intuu calaaliyey afka ugu tufay).
       Furriinka:- Inkasta oo furriinku Diinta ku bannaan yahay, haddana waa wax Eebbe banneeyey kuu ugu neceb yahay. Furriinku waxa weeye dhibaato loo geysto qofka la furayo, in qofka la dhibaateeyana waxa ay bannaan tahay oo keliya kolka uu la yimaado dembi uu ku mutaystay amaba kolka ay khasab ku tahay kan wax dhibaateynaya. Waxa uu Eebbe Aayaddiisa ku leeyahay: (Hadday war idinka maqlaan “haweenku”, ha’u raadinnina waddo aad ku furtaan) (Suurat An-Nisaa: 34). Haddii ninka aabbihii ku khasbo inuu naagtiisa furo, waa inuu furaa iyadoo loo daliishanayo xadiiska ibnu Cumar oo ah: (Waxaan qabay naag aan jeclaa, aabbahay baase necbaa oo igu amri jiray inaan iska furo, markaas baan arrinkii gaarsiiyey Rasuulka “SCW”, suu igu yiri: “Ina Cumarow iska fur naagta”). Haddaba waa inuu xaqqa waalidkii ka hormariyaa kan xaaskiisa, kol hadduu waalidku leeyahay iska furna waxay u badan tahay inuu ku arkay xumaan uusan ninkeedu (inanka qabaa) ku arag. Waxa uu Eebbe leeyahay: (Haka saarina guryohooda iyaguna yaanay kabixin inay xumaan muuqata la yimaaddaan maahee) (Suurat Ad-Dalaaq: 1). Haddiise xumaantu ka timaado dhanka ninka ooy haweeneydu damacdo inay iska furto, waxay kula heshiin kartaa inay xooluhuu ku bixiyey dhammaantood ama qaar kamid ah madax furasho ugu celiso, sidaasina ku furo, waase inaanu dalban wax ka badan intuu bixiyey. Islaantii ninkeeda “ifur” tiraa isagoon wax dhibaata ah u geysan, ha ogaato inaanay Janno raja ka qabin, waxaana taa loo daliishanayaa xadiiska Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) oo ah: (naagtii ninkeeda weydiisata furriin iyadoon wax dhibaata ahi dhex marin, janno waa ka xaaraan). Ninku kolka uu xaaskiisa furayo waa inuu afar waxyaabood tix-geliyaa:-
–                     Inuu furo kolkay caadada ka qubaysato, ha yeeshee aanu weli u galmoon, maxaa yeelay waxa markaa laga yaabaa in uur kusoo baxo, ciddadeediina ay sidaa ku dheeraato, hadday taasi dhacdana waa inuu soo celiyaa. Daliilka arrinkaasina loo soo qaadanayaa waa sidatan: Ibnu Cumar baa islaan uu qabay furay iyadoo caada qabta, markaas buu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) ku yiri Cumar (RC): (U sheeg “wiilkaaga” ha soo celiyee intay ka dhaqanayso, dabeeto caada kale kaga dhacayso oo ka dhaqanayso, markaa kedibse hadduu doono ha furo hadduu doonana ha haysto). Waana xadiis saxiix ah oo laga weriyey ibnu Cumarka laftiisa.
–                     Inuu ku furo hal dalqad, si uu usoo ceshado hadday u caddaato inuu khaldamay, haddiise uu saddex ku furo waxaa laga yaabaa inuu gefkiisa garawsado isagoon meel uu ka noqdo joogin, oo ay tahay markaasi inuu sugo ilaa nin kale intuu ka guursado, dabeeto ka furayo. Waxa Diinta ku xaaraan ah in ninka loo xalaaleeyo naagtuu furay (Nin intuu guursado dabeeto furo iyadoy niyad ka tahay inuu kii hore oo saddexda ku furay u xalaaleeyo). Miyaanay suurtagal ahayn inay ninka dambe ka hesho wax aanay ku heysan kii hore?, sidaasina furriinka kaga hortagto ninkeeda dambena ku adkaysato?. Dhibkaasoo  dhan miyaanay dhigin saddexdii dalqadood ee la’is daba dhigay?.
–                     Kolkuu furayo, inuu si deggan oon qaylo iyo buuq lahayn ugu sheego sababta uu u furayo, laabtana ugu dejiyo hadiyad ka yaraysa qalbi-jabka iyo murugada uu ku keenayo kala-taggaasi, hadduu jiray meher ugu harsanaana degdeg u siiyo.
–         Inaanu sirteeda ka sheekeyn kolkuu guursado iyo kolkuu furayo intaba, ninkii sidaa yeelana hoog iyo halaag baa u dambayn. Waxa uu Muslim weriyey inuu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) yiri: (Khiyaano midda ugu weyn Eebbe agtii maalinta Qiyaamaha waxa weeye inuu ninku u xod sheegto xaaskiisa, iyana u xod sheegato, dabeetana waxay ku sireysatay uu ka sheekeeyo oo faafiyo).
Alimuse.com

Posted from WordPress for Biyacade

Advertisements

Fikir kaada ka dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s