TURXAAN-BIXINTA NOLOSHA QOYSKA WAAJIBAADKA NINKA

Sida uu imaam Abuu Xaamid Al-Gasaali (Eebbe ha’u naxariisto eh) ku qoray kitaabkiisii (Ixyaa’ Culuumid-Diin), ninku kolka uu guursanayo, waxaa waajib ku ah inuu fiiro u yeesho, ushana dhexda u qabto laba iyo toban arrimood oo muhiim ah, kalana ah:
1-            Waliimada (Sabta=Alla-bariga) la sameeyo habeenka aqalgalku waxa weeye sunno, waxaanad ka garan kartaa xadiis saxiix ah oo laga weriyey Aanas ibni Maalik (Alla haka raalli noqdee) oo ahaa: (Rasuulka “Sallallaahu calayhi wasallam” ayaa C/Raxmaan ibnu Cowf (RC) ku arkay raad jaalle ah, makaasuu weydiiyey: “Waa maxay waxaani?”, suu C/Raxmaan yiri: “Islaan baan ku guursaday iniin muggeed oo dahab ah”, markaas buu Rasuulku “Sallallaahu calayhi wasallam” yiri: “Eebbe hakuu barakeeyo” una raaciyey: “Waliimo samee Ri’ba allaha ka dhigee”.
2-                 Edeb uu kula dhaqmo iyo dhibkeeduu u dulqaato:-  Ninku kolka uu guursado waxaa laga doonayaa inuu wax ka beddelo dhaqankiisa iyo akhlaaqdiisa, kana gudbo dhallinyaranimadii iyo fowdadii uu ku noolaan jiray kolkuu naftiisa uun mas’uul ka ahaa, uuna is dareensiiyo in fal kasta oo ka dhacaa uu saameynayo la-wadaagaha cusub ee noloshiisa. Eebbe waxa uu Aayaddiisa Qur’aanka ku yiri: (Wanaagna “haweenkiinna” kula noolaada) (Suurat An-Nisaa:19). Dardaaran uu Nabigu (Sallallaahu calayhi wasallam) bixiyo intaanu Eebbe oofsan waxa ugu dambeeyey: (Salaadda Salaadda,,, iyo waxay midigtiinnu hanatay “Addoomada”  dusha haka saarina waxaanay awoodi karin. Alla Alla Haweenka,,, maxaabiis weeye gacmaha idiinku jira, Eebbaad ka amaaneysateen, xubnohooda tarankana waxaad ugu xalaashateen kelmadda Eebbe). Waxaa la weriyey in ninkii ku sabra edebdarrida ooridiisa uu Eebbe siiyo ajar lamid ah nabi Ayuub kii uu siiyey kolkuu ku sabray imtixaankii la geliyey, naagtii ku sabarta edebdarrida ninkeedana uu Eebbe siiyo abaalmarin u dhiganta tuu siiyey Aasiya oo ahayd xaaskii Fircoon).
3-       Dulqaadka oo uu ugu daro kaftan iyo faracayaar:- Kaftanka iyo faracayaarku way farxad geliyaan dumarka, Rasuulkuna (Sallallaahu calayhi wasallam) wuu la kaftami jiray haweenkiisa. Waxa la weriyey inuu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) la orotami jiray Caa’ishah (RC) oo ay marna ka orodbadin jirtay, markuu asagu ka orodbadiyana dhihi jiray tii hore u qaado. Haddaba ninka waxaa laga doonayaa in kolkuu haweeneydiisa la joogo iska bi’iyo adadayga, ulana ciyaaro sidii inu carruur yahay, kolkuuse raggiisa dhexjoogo muujiyo ragannimadii looga bartay.
Alimuse.com

  • Posted from WordPress for Biyacade

    Advertisements
  • Fikir kaada ka dhiibo

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s