DEEGAANKA BIYACADE OO LAGA MAMNUUCAY MOBILE LEH KAAMIRO IYO WARAR KALE OO DHEERAAD AH

Biyacade waa deegaan ku yaal gobalka shabeellada dhexe


Wuxeey dhanka bari kaga beegan tahay magaalada jowhar 42 km


War nasoo gaaraya ayaa sheegaya in tuulada ay gacanta ku hayaan ururka alshabaab muddo 5 sano ayaa waxaa kusugan ilma aan qur’aanka la barin kitaaba cilmi warkooda daaye
Wiil saaxibo aan nahay oo ku soo laabtay dalka koonfur afrika ayaa iiga waramay waxa meesha ka jira wuxuuna igu yiri:
Tuulada waxaa jooga hebel iyo hebel oo ahaa caweeysleey yacnii niman fisqiga ku jiray waagii hore
Xilligii aanu aheyn xerta ee kitaabaha aanu aqrisan jirnay
Markii aan tagay tuulada baa hebel igi yiri, Nin yahow dadka xamar jooga ma dukadaan
Markaas baan ku iri: Nin yahaw ma walaan tahay mise hadda ayaa laguu soo socdaa.
Wuxuu iigu jawaabay Maya ee waxaa nagula dhahay xamar dadka jooga ma Dukadaan gaalada amisoom ayeey khamrada la cabaan gabdhaha xamar jooga ma wanaagsana waxeey la seexdaan gaalada amisom
Kuwa yar baana jira oo wanaagsan waxaana salaaddi u diiday amison oo misaajidyadii ka celiyay
Markaas baan iri buu yiri:
Nin yahaw waligaa xamar ma’aadan tagin qur”aanna ma taqaanid waa ku kasaa hebelow ee yaana maskaxda lagaa xadin xamar anaa ka imid waana dukadaaye


Waxaan sii wadanay sheekadeyni waxaana iri ; maxaa kaloo layaab lahaa oo aad ku soo aragtay tuulada BIYACADE.
Wuxuu yiri
Nin yahow meesha tel kaamira leh laguma qaadan karo

Taas waxaa iiga darnaa
Macalin hebel iyo wadaado kale oo meel kusubci haa ayaa la soo qaqabtay oo xabsiga la dhigay

mudda kadib na waa la sii daayay waxaana lagu yiri joojiya munkarka
Macalinkii ayaan is aragnay oo aan weydiiyay asbaabaha lagu soo xiray

Wuxuu macalimkii yiri
Wiilkeygiyow waxaanba u maleeynaa in aan caweeyneynay oo aanan subcineyn marki nala soo xirayay waayoo waligeey ma’arag subac mun kar lagu sheegayo


wuxuuna intaasi ii soo raaciyay

Marka aroos magaalada ka dhaco waxeey dadka yiraahdaan cawa waa habeen qof walba caweeyn kara ha la’alalaaso hana la baashaalo waa habeen farxad leh


Waxaan weeydiiyay culimadii meesha joogtay
Wuxuuna ii sheegay in lagu amray in aysan kitaaba aqrin karin
Waxaana tuulada la keenay nin lagu sheegay in uu wax ka yaqaan tafsiirka
Waxaana maqlay in ay dhacday maalin maalmaha ka mid ah asagoo aqrinaya waxa uu ku sheegayo tafsiirka baa waxa lagu tagay aayad aheyd
Wanaadaa Fircowno’ fasirkiina wuxuu ku macneeyay fircoon baa ilaaheey la hadloo u naadiyay….


Qisadaan iyo mid lamid ah waxaan ku soo gudbin doonaa bogga JACEEYLKA hadii alle idmo


Shafka115@gmail.com

Posted from WordPress for Biyacade

Advertisements

Fikir kaada ka dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s