ILA TALIYA INTEE JEER BAAN U TAGAA RAAXADA GUURKA

TALIYA OO INTEE JEER BAAN U TAGAA?
Waxaa mar kasta dhakhaatiirta u yimaada
dad doonaya inay kala tashadaan inta jeer
ee ay isu galmoon karaan iyadoon wax
dhibaato ahi ku imaan caafimaadkooda. Ha
yeeshee, lama helayo jawaab ku wada
habboon dadka oo dhan, sababta oo ah
bani’aadmigu waxa uu ugu kala duwan
yahay rabitaanka jinsiga, sida uu ugu kala
duwan yahay xagga da’da, awoodda,
dareenka, iwm
.
Waxaa la yiri: “Qofka caaqilka ahi waa kan
saddex waxyaabood joogteysta, ha yeeshee
aan badsan: Cuntada, socodka iyo galmada.
Waxa kale oo la yiri: “Geedka ninku waa sida
candhada xoolaha, haddii la liso wuu
dararaa oo godladaa, haddii la daayana wuu
guraa. Nin tilmaamaya siduu galmada u
jecel yahayna wuxuu yiri: “Saddex baan
la’iga maareyn karin: Hilib la cuno, hilib la
koro (sida fardaha) iyo hilib hilib lagu liso
(sida haweenka)”.
Nin baa asagoo wiilkiisa la dardaarmaya ku
yiri: “Wiilkeeyow, dumar la xaajoodkood
haku dheeraan yaanad ka xiisin ayana kaa
xiisa dhicine, inaad ka joogsato adoo u
jeellan baana laguu qaatay intay adoo jilcan
ku jiidjiidi lahaayeen”.
Culimada Islaamka qaar uu Cali bin Abii-
Daalib (RC) ugu horreeyaa waxay
go’aamiyeen in ninku u galmoon karo
xaaskiisa hal jeer afar iyo labaatankii saacba
(habeen iyo maalin), inayba dhiig qabto
mooyee, halka qaar kale ka gooyeen inuu
afartii maalmoodba mar u tago, maadaama
uu Alle afar dumar ah u banneeyay, hadduu
caddaalad wax ugu qaybinayana ay mid
waliba afartii maalmood maalin leedahay.
Tiradaasi -bay leeyihiin- intaas wuu ka
yarayn karaa ama ka badin karaa, ha
yeeshee waa inuu xaaskiisa la tashadaa, il
gaar ahna ku eegaa rabitaankeeda,
inkastoon haween la harraad goyn karin.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, labada ruux
ee isqabaa waxa ay isu galmoon karaan mar
kasta oo ay iska gartaan rabitaan iyo inay u
dul-qaadan karaan galmada, iyagoon
dareemin wax aan ka ahayn xoogaa yar oo
daal ah oo yimaada kolka ay hawsha
galmadu dhammaato. Tusaale ahaan,
hadday galmadu dhacdo habeen, waxa
lama huraan ah in daalka ka dhashaa uu
baaba’o jiifka hortiis, subaxdiina labada
ruux ay shaqadooda u baqoolaan iyaga oo
ay ka muuqato firfircoonaan dheeraad ahi.
Haddiise ay toosaan iyaga oo daal iyo tamar-
darro la ildaran, jirkoodana meel waliba
jaban tahay, ama ay dareemaan gaajo iyo
lalabbo, amaba cajarrada oo uu culays ka
saaran yahay, iyo weliba jilbaha oo
xanuunaya. Waxaasi oo dhami waxay
tusaale u yihiin in habdhiska taranku uu
gudbay xuduuddii awooddiisa iyo
qaaciddadii macquulka ahayd. Waxaad
haddaba halkaasi ka garan kartaa in
firfircoonaanta iyo caafimaad qabka
maalintii ay daliil u yihiin inta jeer ee saxda
ah ee la isu galmoon karo.
Waxaa jirta in ciyaaraha isboortiga, iwm., ay
qayb libaax ka qaataan dhismaha jirka.
Ragga feerka ciyaara mar kasta oo ay
murqohoodu sii dhismaan, jirkooduna sii
xoogaysto, xiniinyahoodu waa ay sii
yaryaraadaan. Ragga caynkaasi ahi kolka ay
gaboobaan ma tamar-darreeyaan, sababta
oo ah waxa sii baaba’a qanjirradooda
taranka. Ha yeeshee dumarka aan loo
galmoon, jirkoodu waa uu kala daataa iyaga
oo dhallinyaro ah, sababta oo ah ugxan-
sidayaashooda ayaa joojiya soo saarista
ugxanta.
Sida caadiga ah, kolka galmada hore ay
dhex marto labada ruux ee isqaba, geedka
ninku waa uu damaa, dabeetana waxa
labada qof qabta wax aad lulo mooddo oo
ah daal iyo macaan isku dheehan. Waxase
jira rag kolka ay biyabbaxaan uusan
geedkoodu damin, awoodna u leh inay mar
labaad galmo sameeyaan. Ragga qaar baa
saddex ilaa afar jeer oo isdaba joog ah
biyabbaxa isagoon geedku ka damin,
waxase aanu shaki ku jirin in mar kasta oo
ay galmadu badato ay awoodda raggu sii
yaraato, yaraatana xawada ay tuurayaan
ilaa ay eber gaarto. Qanjirrada taranku si ay
mar labaad u soo daayaan xawo bisil, waxay
ugu yaraan u baahan yihiin toban
saacadood. Sidoo kale dareenka macaansi
ee ninku waa uu yaraadaa galmada labaad
ama tan saddexaad kadib. Biyabbaxa
(gariirka) naagtu isagu waa uu ka duwan
yahay kan ninka, dhismeheeda oorganeed
baana u oggolaanaya inay inta ay doonto
galmo ka qayb qaadato.
Waxaa la arkaa in haweeneydu ay awooddo
inay ninka hoos seexato oo uu ka xaaja
guto, iyada oon gaarin heer kacsi ay ku
biyabbixi karto, ha yeeshee haweeneyda
caykaasi ahi kolka ay hoos jiifto gacalkeeda
ay jeceshahay, waxay biyabbaxdaa 2-3 jeer
intuusan isagu biyabbixin. Waxaa weliba la
sheegaa in aanay haweeneydu ka daalin
kacsi ilaa ay ka hoos istaagto ninkeeda,
haddii iyada lala tashan lahaana ha la’isa
saarraado ay oran lahayd habeenkaasi oo
dhan
Xigasho alimuse.com

Advertisements

Fikir kaada ka dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s