QADDARINTA CULIMADA, EHELU DIINKA, IYO WAX GARADKA SAMAHA KA TALIYA, IYO IN LAGA HORMARIYO KUWA KALE OO LA MUUJIYO SHARAFTA IYO MEEQAANKOODA

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:
139. “Ku dheh (iyagaa, Muxammadow
S.C.W.): Ma siman yihiin kuwa wax
yaqaan iyo kuwa aan wax aqoonin?
Mayee kuwa waxgaradka ah oo keliya
baa waansamaya, oo dareemaya
wanaagga iyo kheyrka”. Suuradda az-
Zumar: Aayadda9
348. Abuu Mascuud Cuqbah ibn Camar al-
Badri-al-Ansaari (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu
(S.C.W.) wuxuu yiri: ÒQofka ugu habboon
inuu tujiyo oo uu imam ka noqdo salaadaha
jamaacada waa kooda kitaabka Alle u
badiya, uguna wanaagsan akhrinta
QurÕaanka kariimka ah; haddii inta goob
joogga ahi, ay isku mid ka yihiin arrintaa,
markaas waxaa la eegi kan sunnaha u
badiya; haddii ay dhacdo inay isku mid ka
yihiin xagga sunnaha sidoo kale, markaa
waxaa iimaam noqon kan u soo hor
haajiray (yacni kan kheyrka ku horreeyey),
haddii ay ka sinnaadeen dhammaantood
arrintanna, markaas kan u da’a weyn waa
inuu tujiyaa oo imaam u noqdaa. Qofnana
waa inuusan iimaam ka noqon qof kale
meeshi hadduusan u idmin, sidoo kalena
waa inuusan qofna kaga fariisan qof kale
fadhigi hadduusan u idmin”. (Muslim)
Werin kale oo Muslim dhigayo ba leh: Kooda
u hor islaamay, halka ah kooda u da’ weyn”.
Werin kale baa iyana ah: “Dadka ninka
tujinaya waa inuu ahaadaa kooda kitaabka
Alle u badiya oo u akhrin og; haddii ay
akhriska isku mid ka yihiinna kan u soo hor
haajirey baa tujinaya; haddii ay haajirida
isku mid ka yihiinna, kan u da’weyn ha
tujiyo”.
349. Abuu Mascuud Cuqbah ibn Camar al-
Badri al-Ansaari wuxuu kaloo sheegay in
Nebigu (S.C.W.) saari jiray gacmahiisa
garbahayaga markaan u safaneyno salaadda
wuxuuna oran jirey: Safafka toosiya oo sima
oo khilaaf dhexdiina ha yeelina, haddii kale
quluubtiinnaa is dhaafeysa heshiis la’aan
iyo khilaaf darti. Kuwa i xiga ee igu dhow ha
ahaadeen kuwa daÕda ah, cilmiga iyo
caqligana leh, iyo kuwa ku soo xiga ee
tilmaamahaa oo kale leh, misna kuwa ku
soo xiga oo tilmaan ahaan u dhow.
(Muslim)
350. Cabdullaah ibn Mascuud (A.K.R.)
wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:
“Salaadda markaynu tukaneyno ha igu soo
xigeen dadka waaweyn ee cilmiga iyo
caqliga leh, Kuwa kuwaas xigana ha
ahaadeen kuwo u dhow xagga tilmaamahaa
da’da, cilmiga iyo caqliga, (seddex jeer buu
sidaa yiri) wuxuuna raaciyey intaa: Iska jira
oo ha ku hadlina hadallada xunxun ee
suuqa markaad masjidka joogtaan”.
(Muslim)
351. Abuu Yaxya ama Abuu Muxammad
Sahal ibn Abii Xathmah al-Ansaari (A.K.R.)
wuxuu yiri: Cabdullaah ibn Sahal iyo
Muxayyisah ibn Mascuud baa waxay aadeen
Khaybar intii lagu jiray heshiiskii dagaal
joojinta, waa kala leexdeen oo nin walba
dantiisii iyo howshii uu halkaa u yimid
raacday. Dabadeed Muxayyisah baa wuxuu
u yimid Cabdullaah oo la diley, dhiigiisiina
uu qooyay. Inta xabaalay buu Madiina ku
laabtay. Markaa kaddib Cabdur Raxmaan
ibn Sahal iyo Muxayyisah iyo Xuwayyasah,
oo ilma Mascuud ahaa, baa markaas Nebiga
(S.C.W.) aaday Cabdiraxmaan oo u cod
karsanaa intooda baa hadalkii bilaabay;
markaasuu Nebigu (S.C.W.) yiri: Kan idiinku
weyn ha hadlo; markaasuu Cabdur
Raxmaan oo ugu daÕ yaraa seddexda
hadalkii joojiyey oo uu aamusay oo labadii
kale nabiga la hadleen. Nabiguna wuxuu ku
yiri: Ma ku dhaaranaysaan arrintaa, oo iga
dalbaneysaan in qofkii wax idin ka diley
caddaaladda la hor keeno wuxuuna weriyey
xaddiska oo dhan. (Bukhaari iyo Muslim)
352. Jaabir (A.K.R.) wuxuu yiri: Markuu
dhammaaday dagaalkii Uxud kaddib,
Nebigu (S.C.W.) wuxuu iskula xabaalayey
laba kasta oo shuhadada ka mida hal qabri.
Mar kasta oo uu labo xabaalayana wuxuuna
dadka weydiinayey: Kee ba labadooda in
badan QurÕaanka dusha ka qabtay? Kii loo
sheego buuna hor gelinayey iilka. (Bukhaari)
353. Ibn Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri:
Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Waxaan ku
riyooday in anoo cadayanaya – laba nin ii
timid, oo midi ka weyn yahay kan kale;
Waxaan damcay inaan siiyo cadaygii kii
yaraa markaasaa waxaa la i yiri sii cadayga
kan weyn, markaasaan kii weynaa siiyeyÓ.
(Bukhaari iyo Muslim)
354. Abuu Muusaa (A.K.R.) wuxuu yiri:
Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Dhab ahaantii
waa xusid iyo weyneyn Alle inaad ciseysid
ciroolaha muslimka ah; sidoo kale ciseysid
Qur’aan yaqaanka ama fasiraha macaanida
Qur’aanka; waxaase shardi ah in qofkaa
Qur’aan yaqaanka ama fasiraha
macaanidiisa ah uusan ku kordhin
Qur’aanka waxaan ka mid aheyn uusanna
ku khilaafin ficilka iyo dhaqankiisa; sidoo
kale waa ciseyn iyo weyneyn Alle inaad
xurmeyso suldaanka caadilka ah”. (Abuu
Daawuud) Waa xadiis xasan ah oo sanad
wanaagsan leh.
355. Camar ibn Shucayb (A.K.R.) wuxuu ka
wariyey aabahay oo isna ka soo xigtay
aabihii, in Nebigu (S.C.W.) yiri: Qofka aan
naxariis u heyn carruurtayada aan
xurmeynna waayeelkayaga naga mid
maÕaha. (Abuu Daawuud iyo Tirmidi)
Tirmidi wuxuu yiri waa xadiis xasan ah.
Werinta Imaam Daawuud waxay leedahay
keennii aan aqoonsan xaqa waayeelkayga,
halka ah aan xurmeyn waayeelkayga.
356. Maymuun ibn Abii Shabiib Allaha u
naxariistee wuxuu yiri: Nin baa wuxuu
weydiistay Caa’isha sadaqo waxayna siisay
jab rooti ah. Markaasaa nin kaloo wanaag ka
muuqda baa u yimid markaa bay ugu
yeertay inuu fariisto raashin iyo cuntona
siisay. Markii la weydiiyey sida kala duwan
ay ula dhaqantay, waxay tiri: Nabigu
(S.C.W.) wuxuu na faray: Dejiya qof kasta
meeqaanka uu leeyahay”. (Abuu Daawuud)
Xadiiskan waxaa lagu cilleeyey kala go’
waayo Maymuun ma soo garin Caa’isha,
sidaa awgeed waa daciif. Laakiinse qaybta
dambe ee xadiiska wuxuu ku soo arooray
Saxiixu Muslimka waana qaybta ka
billaabaneysa wuxuu na faray nabiga oo yiri
dejiya qof kasta meeqaanka uu leeyahay.
357. Xadiiskan waxaan ku soo marnay
cutubka 3, waana xadiiska tiradiisu tahay
50.
358. Abuu Saciid Samuurah ibn Jundub
(A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan ahaa wiil yar
waqtigii Nebiga (S.C.W.) waxaana xafidi jiray
axaadiista nabiga (S.C.W.) ha yeeshee ma
werin jirin wixii aan ka xafiday, waayo
waxaa joogay dad iga waaweyn. (Bukhaari
iyo Muslim)
359. Anas bin Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri:
Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Hadduu nin
dhallin yaro ah xurmeeyo ruux sheyb ah
da’diisa awgeed, Wuxuu Alle u bixiyaa qof
xurmeeya goortuu da’diisa oo kale gaaro”.
(Tirmidi)
Imaam Tirmidi wuxuu yiri: Xadiiskani ma
aha xadiis xoog leh, macnaha siduu yiri sh.
al-Baani waa daciif aan xujo iyo cuskasho
gelin.
Up
Qur’aan Self-Study

Alimuse.com

Advertisements

Fikir kaada ka dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s