Qoraaga CMJ iyo Xikmada maanta Dul milow deb kuu shidow ku gubtaa” waa sheeko xiisa badan oo isasa suran………………….

Mahahdi Ali Weydow

Dul milow debkuushidow ku gubtaa

waa sheeko xiisa badan oo isasa suran.

Demiye

iyo

Deb shide

waxayahaayeen laba nin oo meel ku wada nool,

deb shide

wuxuu ahaa far soo dheeraatay, dabeecad xumo ayuu ku caan baxay. Qof kii wax yar ay dhex maraan, wuu ku can dhuufi jiray.
Deriska ayuu habeenki qora deb leh ku tuuri jiray.
Daadadka iyo dhiiqada ayuu cidaha u leexin jiray marki xili roobaad la joogo!

Demiye

inkastuu qalbiga ka in kiri jiray fal fal
xumada saaxibkiis, hadana toos ugama hadli
karin gardarada deb shide wado, dano gaara
ayaa uga xir naay, runta uma sheegi karin,
hoos ayuu u gamban jiray, markuu madaxa
kor u qaadana wuu dhoola cadayn jiray.
Sidaasow tahay, demiye wuu dadaalayay, biya
qabow ayuu mar walba la daba socday
fidnada saaxibkiis, tiin kuu abuuro ayuu
gadaashiisa ka siibi jiray, ninkuu ku can
dhuufo intuu ka tiro, ayuu madaxa u salaaxi
jiray, debkuu tuuro intuu ka daba tago ayuu
demin jiray intuusan holcin.
Demiye wuxuu ahaa ninka madixiisa Deb
shide ku nabad nuugi jiray, lkn deb shide
abaalkaas uma ogayn saaxib kiis, wuxuu u
heestay inuu yahay dabaal lagu dul socon
karo, asiguna wuxuu isu qabay nin caqliga
meesha ugu saraysa ka jooga!
Demiye markuu waano isku dayo, deb shide
cirka ayuu geli jiray, asigoo leh: waryaa,
miskiin ayaad tahay, dadka waa leeska
celshaa doqon yahow, markasta dadkaad u
daba dhaqdaa, waan maqlay maalin dhaweed
nin kaad candhuufta ka tiraysay, yaa kuu
dirsaday? Daad kaan furay adaa iga xiraye,
iisoo fur. Deb Kaan tuuray adaa iga denshee,
markale tuur! Waxay samayn karaan maleh!
Deb shide maalin dambe ayuu deb shiday,
Demiye ma demin, wax yar ayuu ugu simay
bal mehay duqa la gaarayso, waxyar kadib
wuxuu arkay deb shide oo dad badan ku dhex
qarsoon, cabaadaya, kor loo sido, la
garaacayo, gurigiisi gubanayo, agab kiisi
midba meel lagula sii cararayo, kuna
qaylinaya, DEMIYOOOw DEMIYOOW igu soo
bax.
Demiye oo dhac dada sheeda kala socday,
waxaa kasoo burqaday labadaan xikmadood.
1. Akhlaaq daro ilay kaa ridaa
2. Dul milow deb kuu shidow ku gubtaa
W/Q Cali Mahdi Jilacow.
C M J

<

ol>

Advertisements

Fikir kaada ka dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s