sheeko xikmad badani ku dheehan tahay qoraaga Cali mahdi jilacow……….

Mahdi Ali Weydow
“Deganaantu waa gaashaan dhibaato”
Cashir qiso mug wayn iyo
Waydiimo ka dambeeya.
Nin iyo naag isla socda ayaa hada ka hor,
maqaayad soo dhex galay, way fariisteen,
dalabna way dhiibteen, intuusan dalabki
imaan, baran baro ayaa luuq kasoo haaday,
naagti ayay ku dul degatay, (ninki intuu
istaagay ayuu laba tilaab cararay, hadana
intuu is geesiyay ayuu dib u fariistay).
Naagti way argaagaxday, waxay u cabaaday
sidi inuu libaax ku dul deg too kale!, kuraasti
ayay kala tuurtay, garbaha iyo labada
gacmood ayay ku dagaalan tay, aakhirki , way
iska filiq day baran baradi, lkn baahalki meel
fog ma tegin, saaxib keed ayay ku dul
dhufatay. Ninki kal kiisa ayay baran baradi Ku
nuuxsatay, wuu filiqtamay wuuna firin dig
leeyay, shaatigi ayuu iska jeexay, miiskina
wuu daba gediyay!
Kabal yeerigi (waiter) oo dalabki soo sida ayaa
dhex kasoo gurmad cararay, lkn baran baradi
asigay qoorta uga degatay, waytarki muusan
car cararin, intuu aayar saxamadi u dhigtay
ayuu nuuxsiga yareeyay, markuu hubsaday
meesha baahashu uga degantahay, ayuu hal
mar far iyo suul kusoo qabtay, banaanka
ayuuna ku tuuray.
Hadfa sheeka:
1. Ninka iyo naagta hore rafaadka iyo dhibta
soo gaaray, baran barada miyaa ka mas’uula
misa qaabka ay u dhaqmeen?
2. Hadii ay baran baradu mas’uul ka ahayd,
kabal yeerigu muxuu dhib kaas u mari
waayay?
FG: xalka raadin tiisa ayay kaaga imaan kartaa
dhibaato ka wayn dhibta aad xalinayso, hadii
aad si khal dan u raadiso.


  • Advertisements
  • Fikir kaada ka dhiibo

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s