qisa xanuun badan oo aad la ilmeeyn doonto 21. Cabdullaah ibn Kacab ibn Maalik (A.K.R.) oo aabihii Kacab hagi jirey …

  1. Cabdullaah ibn Kacab ibn Maalik
    (A.K.R.) oo aabihii Kacab hagi jirey markuu
    indha beelay, wuxuu yiri: waxaan maqlay
    aabbahay Kacab ibn Maalik oo ka
    sheekaynaaya waagii uu nabiga (S.C.W.) ka
    haray oo aheyd duullaankii Tabuuk. Wuxuu
    yiri Kacab: Ma jirin duullaan aanan Nabiga
    (S.C.W.) kala qayb gelin duullaankii Tabuuk
    ma ahee iyo kii Beder oo aan isaga cidna
    lagu canaanan maxaa yeelay Nabiga
    (S.C.W.) iyo raggii Beder raacay waxay
    doonteen safarkii Qureysh ee badeecad
    siday, iyagoo aan dooneyn inay la
    dagaalamaan, saa Allaah falay si aysan ku
    tala gelin, colkii Quraysheed iyo iyagiina
    wada kulmiyey. Waxaan Nabiga (S.C.W.) la
    joogey habeenkii togga Caqabah markii aan
    kor yeelidda diinta islaamka axdiga kula
    galeyney in Beder habeenkaas la iigu
    badalana u shallaayi maayo, inkastoo ay
    dadku badiyaan hadal haynta Beder.
    Duullaankii Tabuuk oo aan Nebiga (S.C.W.)
    ka haray haddaan xaalkeyga ka warramo
    siduu ahaa, waxaan markaas ahaa markii
    aan u xoog iyo xoolaba roonaa, waxayna
    ahayd markii iigu horreysey laba rakuub oo
    aan yeesho, Nabiga (S.C.W.) markii uu
    duullaan qaadayo waxaa caado u ahaan
    jirey inuusan daaha ka qaadin arrimaha la
    xiriira oo dhan waqti dambe maahee.
    Laakiinse markaas qorraxdu aad bay u
    kululeyd, safar dheer iyo dhul dhib badan
    oo bah gooyo ahna waa la marayey, col
    weyn oo xoog lehna waa loo socdey.
    Sidaa awgeed buu rasuulkii Alle (S.C.W.)
    Daboolka uga qaaday meesha loo socdo, si
    loogu diyaar groobo. Waxaa baxay col
    weyne aad u culus, oo aan wax la diwaan
    gelin karo ahayn, ninkii damco inuu
    maqnaado kama uu baqayn in la ogaado,
    haddaan waxyi ka soo dagin.Dullaankaas
    wuxuu Rasuulku (S.C.W.) qaaday goor ay
    mirihii soo go’ayaan, hooska geedahuna
    macaan yahay, anigana sahlashaa I gashay.
    Rasuulkii (S.C.W.) waa uu diyaar garoobey,
    muslimiintiina waa diyaargaroobeen,
    aniguna inaan diyaar u kallahaa, anoo aan
    waxba qabanna waa soo noqdaa, waxaan is
    leeyahay waxba ma ahoo waa kuu
    fududahay markii aad doonto iska daba
    wareeg ma aan deyn jeer ay Nebigii (S.C.W.)
    iyo muslimiintii dhaqaaqeen anigoo aan
    waxba diyaarsan. Duullaankii caaradkuu la
    baxay oo waa tegey, wax weli ii diyaar ahina
    ma jirin, waxaan is iri alleylehe raro, oo
    gaar, la iimase qadarin, magacay ba;ye bal
    maan falo, markii uu Nebigu (S.C.W.) tegey
    yaan calool xumo iyo murugo bilaabay
    markii aan dadka soo dhex galo laguma
    arko qof aan ku dayan karo, oo weheshan
    karo ragga joogaa waa nin munaafaqnimo
    lagu yiqiin iyo nin jihaadka aan awood u
    lahayn oo Alle ka cafiyey. Nabigii (S.C.W.)
    ima uu xusuusan ilaa uu Tabuuk gaarey,
    markii uu Tabuuk tegey buu wuxuu yiri
    isagoo fadhiya: Kacab ibn Maalik muxuu
    falay? Wuxuu yiri nin reer banii Salamah ahi
    dharkiisii baa reebay iyo hadba gees is ka
    dhugasho. Mucaad ibn Jabal wuxuu ku yiri
    ninkii reer Salaamha: wax daran baad ku
    hadashay! Wallaahi rasuulkii Alloow kuma
    aannu ogin waxaan khayr hayn, rasuulkii
    Alle (S.C.W.) waxba ma oran oo waa iska
    aamusay.. Nin bidhaamaya oo wirwiraayaa
    meel fog ka soo muuqday, wuxuu yiri
    rasuulkii Alle (S.C.W.): Abuu Khaysama
    noqo, mise waa abuu Khaysama laftigiisii oo
    ahaa ninkii suuska timirta ah sadaqaysan
    jirey oo ay munaafiqiintu ku durayeen.
    Markii aan maqlay inuu Nabigii (S.C.W.) soo
    laabtay oo soo socdo yaa walwalkii iga batay
    oo been inaan sheegaa igu soo dhacday,
    waxaan is weydiinaayey sedee Nebiga
    (S.C.W.) uga maslaxdaa arrintaa manta.
    Wixii wax garaayey oo ehelkkayga ahaa
    baan kala tashaday, markii aan maqlay in
    uu Rasuulkii (S.C.W.) soo ogog yeeshay, yaa
    tashwiishkii oo dhammi iga ba’ay oo waxaan
    go’aan saday inaan runta sheego.
    Mar haddaanan haysan wax aan kaga
    badbaadi karo. Nabigii (S.C.W.) waa yimid
    Sidii ay caadadiisu ahaydna kolkuu safarada
    ka yimaado masjidkuu ku soo hormaray oo
    laba racadood ku tukaday, oo dabeed
    fariistay si uu dadkii ugu qaabilo, markii
    sidaa yeelay baa waxaa u yimid raggii haray
    oo dhowr iyo siddeetan nin gaaraya, waa u
    cudur daarteen waana dhaarteen, waana
    uu ka yeelay oo u dembi dhaaf dalbay
    waxooda u qarsoonna Alluu u daayey.
    Markaasaan anna imid oo salaamay suu
    inta dhoolbiray buu wuxuu yiri isagoo caro
    laga dareemayo: Kaalay, waa u imid oo hor
    fariistay. Wuxuu yiri (S.C.W.): “Maxaa ku
    reebay?” soo Alle kama aadan gadan
    rakuubkaaga?” Waxaan iri: Rasuul Alloow
    (S.C.W.) wallaahi haddaan manta cid kale oo
    adduun ag joogi lahaa cudur daar aan kaga
    fakado ma waayeen waana doodi aqaan
    laakiinse waxaan ogahay, haddaan manta
    kuu sheego been aan kugu raalli gelinaayo,
    waxaan halis u ahay in Alle iigu caroodo,
    haddaan run kuu sheegana iyadaan xag Alle
    aayaha dambe ku rajo fiicanahay. Waa
    sidaase wallaahi baanan wax cudur daar ah
    haysan, wallaahi baysan jirin mar aan ka
    xoog iyo xoolo roonaa markaan kaa haray.
    Markaan sidaas iri buu wuxuu yiri Rasuulkii
    Alle (S.C.W.): Kanu run buu sheegay.
    Haddaba iska tag inta Alle xaalkaaga wax ka
    oranaayo. Rag reer banii Salimah ah baa
    inta i soo raacay i yiri: waxaanu ognahay
    inaadan hadda ka hor wax aadan bi’in ma
    waxaad kari weyday inaad Nebiga u cudur
    daaratid sidii ay raggii kale oo kaa
    horeeyeyba ugu cudurdaarteen? Nebiga oo
    kuu dembi dhaaf dalba baa qaladkaaga oo
    dhan ku filayde, waa igu celceliyeen oo
    sidaas wadnaha iiga qabteen ilaa aan ku
    fakarey tolow nebiga ma ku noqotaa oo
    hadalkaagii hore ma beenisaa. Waxaan
    weydiiyey: Cid sidaan yeelay oo kale yeeshay
    ma garanaysaan? Waxay yirahdeen: Haah,
    labo nin baa sidaada oo kale yiri oo sidaada
    oo kale lagu yiri: waxaan iri: oo waa
    labadee? Waxay yiraahdeen waa Muraara
    bin Rabiic al-Camri iyo Hilaal bin Umayyah
    al-Waaqifi, mise waa laba nin oo wanaagsan
    oo Beder ka qayb galay, oo lagu dayan karo
    markii ay ii sheegeen baan ku sii adkeystay
    mowqof kaygii hore. Wixii rag haray Nebigu
    (S.C.W.) Seddexdayadii buu amray inaan
    dadku nala hadlin, markaasaa dadkiiba naga
    cararay oo dhulkii nagu yaraaday oo nin
    qalaad aan noqday. Konton habeen baan
    sidaas ku jirney. Labadayadii saaxiib ceeb
    iyo calool xumo bay guriga la fariisteen.
    Aniguse dhalinyaraan ahaa firfircoon oo
    salaaddaan dadka la tukan jirey,
    carradaydana waa aan mari jirey, wax ila
    hadlana ma jirin.
    Rasuulkuna (S.C.W.) intaan u tago baan
    salaami jirey markuu inta tukado fadhiyo,
    markaasaan is oran jirey tolow bishimaha
    ma dhaqdhaqaajiyey oo salaanta ma kaa
    qaaday. Intaan ku agtukadaan isha ku xadi
    jirey markaasuu markaan ka jeedsadana i
    fiiriyaa, markaan eegana iga jeedsadaa.
    Arrintii waa igu dheeraatay, goyntii ay
    muslimiintu igu sameeyeen waa i dhibtay.
    Waxaan gaarey inaan fuulo derbigii Abu
    Qataadah oo aan ilma adeer ahayn,
    dadkana aan ugu jeclaa, waa salaamay,
    salaantiina waa iga qaadi waayey. Waxaan
    ku iri abuu Qataadow Alle baan kugu
    dhaariyeye, ma igu ogtahay inaan Alle iyo
    Rasuulkiisa jeclahay? Waa iga aamusey, waa
    ku celiyey oo dhaariyey, waa iga aamusay,
    haddana waa ku celiyey oo dhaariyey,
    kolkuu i yiri: Alle iyo rasuulkiisaa og.
    Markaasay ilmo iga soo qubatay, derbigiina
    aan ka soo degey. Suuqii baan u soo baxay
    mise nin reer Shaam ah oo raashin gasac ah
    wataa baa dadka i weydiinaaya oo leh: yaa
    Kacab ibn Maalik i tusaaya waa la ii soo
    tilmaamay. Waa ii yimid wuxuu ii dhiibay
    waraaq uu iiga wadey boqorkii reer
    Qassaan. Waxaan ahaa qoraa saa waan
    akhristay, mise waxaa ku taal; waxaa nasoo
    gaarey saaxiibkaa inuu ku gooyey, Allena
    kuma badin dulli, iyo darxumo ee noo imow
    annagaa ku wanaajinayne’e. Markaan
    akhriyey baan waxaan iri: tanna waa
    imtixaan kale, markiiba waxaan ku riday
    tinnaarka oo ku gubey. Kontankii markii ay
    afartan maalmood tagtaywaxyina uusan
    soo deign baa nin uu Nabigu (S.C.W.) soo
    dirayii yimid oo yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu
    ku soo faray inaad haweenaydaada ka
    tagtid. Ma furaa mise maxaan falaa? Wuxuu
    yiri: Mayee ha taaban oo keliya labadaydii
    saaxiibna sidaasoo kaluu u faray. Sidaa
    awgeed baan xaaskaygii ka codsaday inay
    reerkoodii la joogto bal inta arrintaan Alle si
    ka oranaayo. xaaskii Hilaal ibn Umayyah baa
    iyaduna Nebiga (S.C.W.) u tagtay oo tiri
    Rasuul Alloow Hilaal ibnUmayyah waa
    sheyb aan tabar lahayn, aan daryeeli karin
    naftiisa kaligii, adeegena ma leh, marka ma
    aad diideysaa inaan u adeego? Wuxuu yiri:
    Maya, laakiinse yuusan kuu dhowaan,
    waxay tiri: Dan kama leh dumar, tan iyo
    maalintii uu arrinkaanu billowday ilaa
    haatanna, waa uu ooyayey. Ehelkaygii baa
    qaarkood igu yiraahdeen: Maad Nebiga
    (S.C.W.) weydiisatid inuu xaaskaaga kuu
    idmo. Hilaal bin Ummayaba waa u idmay
    xaaskiisu inay u adeegto’e? waxaan iri:
    Kuma dhibayo Nabiga (S.C.W.) weydiisiga
    idan kaa oo kale ah, saa wuxuu oranayo ma
    garanayo’e, aniguna waxaan ahay nin
    dhalinyaro ahe (Hilaal oo kale ma ahi).
    Sidaasna toban beri baan ku jirnay oo
    kontonkii habeen ay noogu buuxsameen,
    tan iyo markii nala gooyey. Waxaan tukadey
    salad subax, waxay ahayd habeenkii
    kontonaad subaxiisii dambe, anigoo fadhiya
    gurigeyga, naftaydiina ciriiryoontey oo
    dhulkii balaarnaa sidii Alle naga sheegay igu
    yaraaday, baan waxaan maqlay nin buur
    korkeeda ka dhawaaqaya oo leh: Kacab ibn
    Maaligoow bishaarayso. Markaasaan sujuud
    shugri la dhacay, oo waxaan gartay in faraj
    yimid. Rasuulku (S.C.W.) markii uu salaaddii
    subax tujiyey dadkii buu dadkii u sheegayin
    Alle naga toobad aqbalay, markaasaa dadkii
    noo soo kala orday iyagoo noo
    bishaaraynaaya. Labadaydii saaxiib dad baa
    aaday. Anigana ninbaa faras xaggayga u soo
    fuulay, nin kale oo reer Aslam ah baa isna
    xaggayga u soo ordday oo buur dhaladeed
    fuulay oo iiga dhawaaqay. Saa
    dhawaaqiibaa faraskii ka soo hor maray
    markuu ii yimid ninkii aan codkiisa maqlay
    oo ii bishaareeyay baan labadaydii go’ siiyay,
    bishaaradiisii darteed. Ilaahay baan ku
    dhaartay maalintaa dhar kale ma haysan,
    sidaa awgeed baan laba go’ u soo deyntey
    oo maalintaas wax kale ma aan haysan
    Dabadeedna Nabigii (S.C.W.) baan aadey si
    aan qaddirinta iyo tixgelinta iyo mahadda
    aan u hayo ugu jeediyo. Intaan u socdayna
    rasuulka dadku waxay iila kulmayeen koox,
    koox iyagoo toobad aqbalka iigu tahniyaday-
    naya. Masjidkii baan soo galay, waxaan
    arkay nebigii (S.C.W.) oo fadhiya dadkiina
    hareero fadhiyaan waxaa soo kacay oo igu
    soo orday Dalxag bin Cubeydullaah waana i
    salaamay oo ii tahniyadeyey, isaga keliyaana
    muhaajirintii iiga soo istaagay – Kacab
    Dalxah ma illoobi jirin. Waxaan salaamay
    Nebigii (S.C.W.) oo wajigiisu farxad la ifayo,
    wuxuu yiri: bishaarayso waa maalintii
    kuugu khayr badnayd oo ku soo marta tan
    iyo markii hooyadaa ku dhashay. Waxaan
    iri: Rasuul allow ma xaggaaga mise waa xag
    Alle? Wuxuu ku jawaabay: Mayee waa xag
    Alle.
    Nabigu (S.C.W.) markuu farxo waxaad
    moodi jirtey in wejigiisa gabal dayax ahi
    inay saran tahay, siduu u dhalaalayo, oo
    aan uga garanayo. Markii aan hortiisa
    fariistey baan waxaan iri: Nebi Alloow
    maalkayga oo dhan hor alle ma u
    sadaqaystaa toobada la iga aqbalay awgeed?
    Wuxuu yiri: maalkaaga wax ka hayso
    sidaasaa ku fiican. Waxaan iri: saamigii aan
    Khaybar ka helay baan la harayaa. Waxaan
    iri: Rasuul Alloow runtii baa Alle igu
    badbaadiyey, toobadkeenkaygana waxaa ka
    mid ahaanaya, inaanan sheegin waxaan run
    ahayn inta aan noolahay. Wallaahay
    garanmaayo muslimiinta imtixaanka Alle i
    mariyey mid ka wanaagsan qof uu mariyey,
    ilaa maalintii aan hadalkaas nebiga u
    sheegay tan iyo maanta uma qastin inaan
    been sheego, inta cimriga iiga hartayna in
    Alle iga dhawraan rajeynayaa. Wuxuu Alle
    soo dejiyey aayadahan:
    Image
    “ Alle waa ka toobad aqbalay Nabiga iyo
    Muhaajiriintii iyo Ansaartii raacay saacaddii
    dhibaatada, markii qaar ka mid ah
    qalbiyadoodu ku sigteen inay qalloocdaan,
    kadib; dabadeedna waa ka toobad aqbalay, waa
    u turid iyo naxariis badan yahaye iyo seddaxdii
    dib loo dhigay jeer dhulkii ku yaraaday wuxuu
    ballaarraa. Naftoodiina ku ciriiryoontay ayna
    yaqiinsadeen inaan Alle meel looga irkadaa
    jirin isaga maahee, dabadeedna uu toobadii ka
    yeelay si ay u toobad keenaan, Alle isagaa
    toobada Aqbalaha naxariista badan ahe. Kuwa
    xaqa rumeeyoow dhowra waajibka iyo xilka uu
    Alle idin saaray oo run sheegyada ka mid
    ahaada” Suurada at-Towbah:117-119.
    Wuxuu yiri: Kacab: wallaahi garanmaayo
    nicmo Alle ii galay intii uu diinta igu
    hanuuniyey kaddib oo ka weyn runtii aan
    Nabiga (S.C.W.) u sheegay, maxaa yeelay
    haddaan maalintaas been u sheegi lahaa,
    waa aan halligmi lahaa sidii ay u halligmeen
    kuwii beenta u sheegay oo Alle ka soo
    dejiyey wax cid lagu sheego wixii ugu
    xumaa. Wuxuu yiri Alle weyne:
    Image
    “ Waa idiin dhaaran doonaan markii aad
    u noqotaan si aad isaga deysaan, ee iska
    daaya waa qurune, hoyaadkooduna waa
    Jahannama oo jasadii wixii ay kasbadeen
    ah, waa idiin dhaaranayaan, si aad uga
    raalli noqotaan, haddii aad ka raalli
    noqotaanna Alle raalli kama noqdo qoon
    faasiqiin ah.” Suurada at-
    Towbah:Aayadaha:95-96.
    Wuxuu yiri Kacab (A.K.R.): Seddexdayada
    waa na loo kaadiyey, kuwaasna nebiga
    (S.C.W.) waa uu ka yeelay markii ay u
    dhaarteen, waana u dembi dhaaf dalbay,
    axdina waa uu la galay, ilaa Alle arrimaha
    sidaas aan soo sheegnay u kala xugmiyey.
    Marka Alle leeyahay: (Seddexdii dib loo
    dhigay) dib u dhigaasi ma aha hariddii aan
    duulaanka ka harnay, ee waa dib u dhigiddii
    Nebigu (S.C.W.) nala sugayey in xaalkayaga
    Alle wax ka yeelo, markii uu iyaga dhaartii
    ka aqbalay.
    Werin kale oo xadiiska wuxuu sheegayey
    inuu Nabigu (S.C.W.) Tabuuk u duuley
    maalin Khamiis ah, jeclaana inuu
    khamiisaha baxo. Xadiis kalena wuxuu
    lahaa: “Safarka wuxuu ka imaan jirey
    nabigu maalintii, weliba barqadii, wuxuuna
    ku soo hormari jirey masjidka oo inta labo
    rakcadood ku tukado fariisan jirey”.

Advertisements

Fikir kaada ka dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s