DARDAARANKA HOOYADA HABEENKAAQALGALKA

DARDAARANKA HOOYADA HABEENKAAQALGALKA

Hooyo. 1:

(Gabadheydiiyeey, waxaad ka
baxday guri aad baratay una baxday gogol
iyo nin aanad garanayn. U noqo dhul, samo
hakuu noqdee. U noqo dhab, udub dhaxaad
ha kuu noqdee. U noqo jaariyad, addoon ha
kuu noqdee. Ha isku nabin yaanu ku nicine,
hana ka fogaan yaanu ku hilmaamine.
Hadduu kuusoo dhowaado u dhowow,
hadduuse kaa meero ka fogow. Ilaali
sankiisa, dhegihiisa iyo indhihiisa. Yaanu
kaa urin udug mooyee, yaanu kaa maqal
hadal mac mooyee, yaanunna kaa dhugan
dhalaal iyo qurux mooyee).

Hooyo. 2:

(Gabadheydiiyeey, waxaad ku
socotaa nolol cusub.. Nolol aanu boos uga
bannaaneyn hooyadaa, aabbahaa, iyo walaalahaa toona
Waxaad noqoneysaa xaas uu qabo nin aan dooneyn inay cidi kula wadaagto, xitaa hadday ciddaasi ahaan lahayd kuwii ku dhalay iyo kuwii kula dhashay.
Gabadheydiiyeey, ninkaaga u noqo naag iyo
hooyo labadaba. Gaarsii heer uu aamino in aanay cid aan adiga ahayni jirin, mar
kastana xusuusnow inuu nin (nin kasta) yahay carruur caga weyn, hadal macaan kan ugu yarina uu ka farxinayo. Yaanu kaa dareemin murugo iyo in guurka uu ku
guursaday aawgii aad reerkaagii uga soo
fogaatay, illayn isaguba waxa uu ka soo
tegay gurigii aabbihii iyo reerkiisiiye. Ha yeeshee farqiga idiin dhexeeya adiga iyo isagu waa uun farqiga u dhexeeya nin iyo
naag oo naagi mar waliba waa ay ka beer
jilcan tahay kagana xiiso badan tahay ninka
xagga waalidkeed iyo gurigii ay ku dhalatay,
ku barbaartay waxna ku baratay. Waa inaad
la qabsataa nolosha cusub iyo ninka cusub
oo laga billaabo maanta noqday ninkaagii
iyo carruurtaada aabbohood.
Gabadheeydiiyeey, waa kaa mustaqbalkaagii
waana kaa gurigaad adiga iyo ninkaagu
wada dhisateen, aabbahaa iyo hooyadaana
ka soo qaad wax tegay. Ku oran maayo iska illow aabbahaa, hooyadaa iyo walaalahaa,
haddaad adigu illowdana iyagaanba ku illoobi karin, waxanse kaa codsanayaa in
aad ninkaaga jeclaatid, isu qurxisid, isagana
u joogtid, weligaana maandhey iska ilaali
masayr haddii kale furriin meel kuuma jiro).

Hooyo. 3:

(Gabadhaydiiyeey, maal badni
waalidkeed hadday gabari nin kaga maarmi
lahayd adaa ugu horreyn lahaa, balse
haddaynu dumar nahay rag baa naloo
abuuray, sida raggaba annaga naloogu abuuray.
Gabadheydiiyeey, waddankaad ku dhalatay
iyo gurigaad ku barbaartay waa tanoo waad
ka baxaysaa, adoo aadaya dal aanad aqoon
iyo nin aanad u baran la dhaqankiisa, ee maandhey u ilaali toban umuurood:
– Ta koowaad iyo ta labaad: Ku qanac wuxuu
ku siiyo kana maqal wuxuu ku yiraahdo,
maxaa yeelay qanaacada qalbigaa ku
qabooba, maqalka ninkana rabbi baa raalli ka noqda.
– Ta saddexaad iyo ta afraad: Halka ishiisu
qabanayso la soco, halka sankiisu urinayana
ogoow, oo yaanay ishiisu qurux mooyee
wax kale qaban, sankiisuna udgoon mooyee wax kale urin.
– Ta shanaad iyo ta lixaad: La soco
waqtiyada uu wax cuno, uguna dadaal
degganaanta waqtiga uu hurdo, maxaa
yeelay gaajadu way gubtaa, hurdada oo lagu
bar gooyaana way ka caraysiisaa.

  • Ta toddobaad iyo ta siddeedaad: U dhowr
    guriga iyo maalka haku qaddariyee, una
    daryeel qaraabada iyo ubadka maamul aqoon iyo marwanimo hakuu qiree.
  • Ta sagaalaad iyo ta tobnaad: Sir haka bixin
    yaanu kaa sad goosane, amarna haka diidin
    yaanu intuu kuu xanaaqo ku diline. Ha farxin isagoo murugeysan, hana ismurjin
    isagoo faraxsan).
Advertisements

Fikir kaada ka dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s