RAAXADAGUURKA GUURKU WAA KAN KOOWAAD EE DHOWRA AADMIGA

GUURKU WAA KAN KOOWAAD EE DHOWRA AADMIGA

ALLE SWT wuxuu abbuuray lab iyo dhadig wuxuuna ugu tala galay in ay isku intifaacaan

GUURKU WAA KAN KOOWAAD EE DHOWRA AADMIGA

GUURKA IYO MOWQIFKA DIINTA
Guurku diinta waa u gargaar,
shaydaanka waa u gablan iyo hoog,
waana gaashaan adag oo cadowga Eebbe
laga galo, waxaana ku badata ummadda
Islaamka si ay ula tartanto ummadaha
kale.
Eebbe waxa uu Aayaddiisa Qur’aanka ah
ku leeyahay:
(U guuriya xaaslaawayaasha idinkamidka
ah iyo addoomadiinna kuwooda
wanwanaagsan “rag iyo dumarba”.
Hadday sabool yihiin Eebbe asagaa
deeqdiisa ku hodminaya, Eebbana waa
kii deeqdiisu dadka ku wada aaddo, cid
walbana duruufteeda ka warqaba.).
Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam)
waxaa laga weriyey inuu yiri: (Isguursada
oo tarma ummadaha ayaan idinkugu
faanayaa maalinta Qiyaamaha eh).
Cumar (RC) waxa uu dhihi jiray: (Waxaan
u guursadaa saan wiil u helo), ibnu
Mascuudna waxa uu oran jiray: (Hadday
cimrigeyga toban beri oo keliyihi ka
harsan tahay waxaan jeclaan lahaa inaan
guursado, si aanan Eebbe uga hortegin
anigoo doob ah). Saxaabigii Mucaad Ibnu
Jabal daacuun baa ku dhacay, laba xaas
oo uu qabayna ka dilay, markaasuu yiri:
(War ii guuriya, ma jecli inaan Eebbe la
kulmo anoo doob ahe).
Qofkaan haddaba guursan karin sabab kastaa
ha kalliftee, waxaa habboon inuu is ilaaliyo
intuu faraj khayr qabaa uga furmayo. Eebbe
waxa uu leeyahay:
(Ha dhowrsadeen kuwaan awood guur
heli karaynin intuu Alle deeqdiisa kaga
hodminayo). Ibnu Mascuud waxa uu
Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam)
ka weriyey inuu yiri: (Ninkii awoodi
karaa ha guursado maxaa yeelay guurku
aragga waa u dabool ibtana waa u
gaaashaan. Ninkaan awoodi karinse ha
soomo, soonkaa kacsiga ka bi’inayee).

Advertisements

Fikir kaada ka dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s