ILA QOSOL SHEEKA XIISA BADAN KUNA SAABSAN TAHRIIBKA

bal sheekadan qosolka badan nala akhriso
Saddex nin oo Soomaali ah ayaa rabay inayYurub ku galaan tahriib ayagoo wadadoodu ahayd Suuriya ka dibna Turkiga dabadeedna Giriiga marka dambena Holland.
Markay Giriiga marayeen saddexdii nin ayaa lagu xareeyey kaam ay ku jiraan qaxooti badan oo dalal kala duwan ka kala yimid.Waxaa la yiri qof walba magaciisa oo saddexan ha ku qoro foom lagu qoro magacyada dadka kaamka soo gala.
Sadexdii nin mid ka mid ah ayaa magaciisii far Soomaali ku qoray “Axmed Maxamed Maxamuud”. Maalintii dambe ayaa la damcay in dadkii kaamka ku jirey loo wareejiyo kaam kale, markaas baa la
bilaabay in magacyadoodii la xaadiriyo.
Sidii marba qof magaciisa loo xaadirinayey ka dibna dibada loogu saarayey ayaa la maqlay ninkii wax xaadirinayey oo leh ” Akismidh Maksamidh Makismuudh” (Axmed
Maxamed Maxamuud ayuu English ahaan
ugu dhawaaqay) waa la waayey cid farta
taagta oo magacaas sheegata markaasuu isagoo ninkii xanaaqsan ku celceliyey Akismidh Maksamidh Makismuudh haddana waxaa la waayey cid ku dhawaaqda oo tiraahda waa aniga oo magacaas sheegata.
Dabadeed sadexdii nin ee Soomaalida ahaa ayaa hoos isula sheekaystay markaasuu kii magaca lahaa yiri “Xayawaankaas dhoohan
ee magaciisa garan la’ muxuu ahaa”
markaasuu kii kale yiri “Igsimidh nigsimidh hadaad maqasho kolay waa indha yartii gaajada ahayd iyagaa waxaas la baxa”
markaasuu kii sadexaad yiri “War maahee waa magac Afrikaan weliba nooca cawaanka
ah iyagaa magacyadaas nigiska u eg la baxa,
indha yarta magacyadooda miyaadan maqal Jeekee Jaan, markaas buu kii kale yiri haayoo waa runtaa oo waxay la baxaan juu jaa, yiin yaang iyo hiin haa amma siin jiin oo marka magaca loo bixinayo malqaacad ayaa dhulka lagu tuuraa markaasaa dhawaaqa ay samayso amma soo celiso loobixiyaa”.
Markii la waayey cid magacii sheegata ayaaliiskii laga tirtiray. Aakhirkii markii
magacyadii la dhammeeyey ayuu ninkii
odayga ahaa kaligii kaamkii ku soo haray
markaasaa la weydiiyey magaciisa
markaasuu yiri Axmed Maxamed
Maxamuud . Ninkii waxaa lagu eedeeyey
inuu kaamka sifo sharci daro ah ku soo
galay markaasaa Turkiga dib loogu celiyey.
Turkiga ayuu ka soo raacay gaari Tareele ah oo ay la socdaan Tahriibayaal Kurdiyiin ahmarkaasaa mar labaad Xuduuda Giriiga laguqabtay isaga iyo koox Kurdiyiin ah. Inta safla galiyey ayaa marba mid la waraystay,
sadexdii nin ee ka horreeyey ninkan
Soomaaliga ah ayaa marba mid la weydiiyey”Maxaad tahay?”, “Kurdi”, “Oo yaad katahay?”, “Ciraaqi”. Kii ku xigay ayaa laweydiiyey “maxaad tahay?”, “Kurdi”, “Yaadka tahay?”,”Turki”. Kii ku sii xigay ayaa laweydiiyey “Maxaad tahay?”, “Kurdi”, “Yaadka tahay?”, “Suuriyaan”. Kii Soomaaliga ahaa markii la soo gaaray ayaa la weydiiyey”Maxaad tahay?”, “Kurdi” (Kurdi wuxuu moodaa inay la macnattahay qaxooti), “Oo yaad ka tahay” “Soomaali”.
shabakada baargaal.net

ﺍﻟﺘﺴﻤﻴﺎﺕ: Ila Qosol, sheeko

Jaceeylka.wordpress.com Kala soco Arimaha diinta, Qisooyin cajiib ah, Arimaha bulshada. iyo ila qosol

Advertisements

Fikir kaada ka dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s