status Amuuraha islaamka iyo Eray bixinta Argagixiso

Barnaamijka Amuuraha Islaamka, waxaantoddobaadkan ku eegeynaa macnaha xagga luqadda ah, iyo waliba midka siyaasadeed ee uu xambaarsan yahay ereyga argagixisanimada, oo ah mid ay warbaahinta Reer Galbeedku si weyn ugu lamaaneeyaan diinta Islaamka.
Haddii aan ku hormarno erey-bixinta xagga luqadda ah, qaamuuska Oxford oo ah kan ugu afka dheer luqadda English-ka, wuxuu argagixisanimo ku qeexaa: isticmaalka falal rabshado iyo qalalaase xooggan wata, kana dhan ah dad rayid ah, kuwaas oo looga gol leeyahay in lagu gaaro hadaf siyaasadeed.

Laakiin qeexiddaas la iskuma raacsana, gaar ahaan xilligan casriga ah. Daraasad uu sameeyey machad raacsan millatariga
Mareykanka sanadkii 1988-dii, ayuu ku
ogaaday in 100 siyaabood ka badan loo
qeexo ereyga argagixisanimada.

Dr. Noam Chomsky, oo ah khabiir looga
dambeeyo erey-bixinta, macallina ka ah
jaamacadda MIT ee dalkan Mareykanka,
ayaa mar la weydiiyey qeexidda
argagixisanimada, wuxuu sheegay in sida
loo isticmaalo xilligan casriga ah ay tahay
mid siyaasadeysan, oo dowlad walbaayi ay ku dhantaaleyso sumcadda kooxaha ay is- hayaan, isla markaana ay ku banneysaneyso dhiiggooda.

Professor Chomsky wuxuu yiri ma jirto cid
si sax ah u isticmaasha “Maxaa yeelay haddii macnaha dhabta ah ee siyaasadda ka maran ee ereyga argagixisanimada. Qeexiddaas la isticmaalo, durbadiiba Mareykanku wuxuu noqonayaa
argagixisada ugu weyn caalamka.
Ingiriiskuna sidoo kale.”

Inkastoo sharciga Mareykanka uu ku
qeexayo argagixisanimada si aad ugu dhow qeexidda qaamuuska Oxford, haddana Dr. Chomsky wuxuu si jeesjees ku dheehan yahay u yiri:
“Macnaha dhabta ahi wixii iyagu nagu
sameeyaan oo kaliya ayuu qabtaa, ee wixii aan annaga sameyno ma qabto.”
Biyo-dhaca hadalka Dr. Chomsky waa in
Reer Galbeedku ay argagixiso u aqoonsan
yihiin falalka iyaga iyo taageerayaashooda loo geysto, falalka ay iyaga iyo taageerayaashooda geystaanna aysan argagixiso u aqoonsaneyn.
Laba wajiilanimadaasi ma ahan mid cusub.

Ereyga argagixisanimada lagu yiraahdo afka English-ka, oo ah “Terrorism,” wuxuu
sanadkii 1795-tii maskaxdiisa kasoo
maaxday Edmond Burke oo ahaa mudane
ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska. Wuxuu
argagixiso ugu yeeray kooxdii Jacobins la
oran jiray ee horseedday kacaankii
Faransiiska. Kooxdaasi waxay xasuuqday
boqollaal kun oo qof. Mr. Burke waxaa
durbadiiba ereygaas ka min-guuriyey
hoggaamiyayaashii kacdoonka Faransiika,
oo u isticmaalay kooxihii kasoo horjeeday.
Qarnigii lasoo dhaafay-na, waxaa argagixiso lagu sifeyn jiray Nelson Mandella, Dr. Martin Luther King iyo Yasir Carafaat, oo dhammaantood ku guuleystay abaal- marinta ugu sarreysa ee nabadda caalamka, ee Nobel-ta loo yaqaanno.

Sanadihii ugu dambeeyey, waxaa aad u
kordhay lamaaneysiinta Islaamka iyo
argagixisada. Waxaa soo ifbaxay weero ay kamid yihiin: Argagixisada Islaamiga ah.

Mararka qaar, waxaa dhacda in masuuliyiin Reer Galbeed ahi ay yiraahdeen: Muslimiinta oo dhan argagixiso ma ahan, laakiin argagixisada oo dhami waa Muslimiin.

Sifadaasi waxaa qadaf iyo aflagaaddo
mutaxan u arkay Muslimiin badan oo ka
dhiidhiyey. Muslimiintaas waxaa kamid ah: Dr. Daakir Naik, oo ah diin-fidiye laga
yaqaanno dalka India. Wuxuu soo uruuriyey xog muujineysa in, haddii ereyga argagixisanimada sida uu yahay ah loo qeexoo, in dad aan Muslimiin aheyni ay geysteen falalka ugu foosha xun ee taariikhda soo maray. Waxaan kamid ah: nuclear-kii uu Mareykanku ku aamusiyey Heroshima iyo Nagasaki, dagalkii labaad ee dunida. Dr. Daakir oo ka hadlaya arrintaas-na wuxuu yiri.

“Marka aan eegno xogta, qarnigii 19-aad,
wey adag tahay in lasoo helo falal argagixiso oo ay Muslimiintu geysteen.”
Muranka ka taagan qeexidda argagixisanimada, waa mid laga dheehan
karo saaxadda siyaasadeed ee caalamka.
Ururrada Xamaas iyo Xizbullah, oo dunida
Carabta iyo Islaamka looga arko xaq u dirir,
waxay Reer Galbeedka ugu sumadeysan
yihiin ururro argagixiso. Laakiin waxaan la dafiri karin inay jiraan kooxo Muslimiin ah, oo rumeysan in argagax-galinta dadka aan iyaga ku fikirka aheyn, inay tahay waajib rabbaani ah.

Waxayna soo daliishadaan aayado ku jira
qur’aanka, oo ay kamid tahay aayaddan, oo qeyb ahaan ka hadlaysa xeelado dagaal.

Si kasta oo loo eego, ereyga
argagixisanimadu waa sidii margiga oo kale: Ninna si u dheh, ninna u qaaday.

Xigasho. VOA Af-Somali
Xigasho afdheer.com link’

http://www.afdheer.com/index.php?option=com_content&view=article&id=2832&Itemid=133

Advertisements

Fikir kaada ka dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s