quote Al-,shabaab waxay dheheen: Adeer yaal waad fiican tihiin lkn waxaan rabnaa in aad nala shaqaysaan!,

Mahdi Ali Weydow
Qiso dhacday iyo Al-shabaab qawaafay:
Koox Al-shabaab ka tirsan ayaa maalin
booqday kaawo ama god laga qodo
dhagxaanta guryaha lagu dhiso, markay
godka iridkiisa sii galayeen, waxaa qarxay baaruud la geliyay dhulka hoos tiisa, oo lagu burburinayay buur dhagaxa oo hoos teeda la geli waayay.
Dhulki wuu dumay, buurti way soo daadatay, gafuur duubtina way argaagexeen, dharki wuu ka biday, qoryihina way ka faniineen.
Kaawalaydi oo cabsanaya, lana yaaban
fulaynimada iyo nafjeclida Al-shabaab ayaa yiri: culimo raali ahaada, qaraxa laydiinma wadin ee waa baaruud aan kaawada ku jabsano.
Wadadadii way xasileen, neef ayaana kasoo fuqday, cabaar kadib markii miyirku kusoo laabtay waxay isugu yeereen dadkii dhagaxa qodayay, waxay dheheen, baaruuda yaa qarxiyay?, lix oday ayaa farta lagu fiiqay,
odayaashi ayay labexeen waxayna amreen in ay buur kale qarxiyaan, iyagoo daawanaya, duqaydi way qarxiyeen buurti, Al-,shabaab waxay dheheen: Adeer yaal waad fiican tihiin
lkn waxaan rabnaa in aad nala shaqaysaan!, farsamadiina miina qarxiska ayaan u baahanahay. Waxaa laydinka rabaa in aad dowladda sidaan
u qarxisiin. Diyaar ma u tihiin in aad
jihaadaan?
Yaa maya dhihi kara!, odayaashi waxay k
jawaabeen, haa iyo nus, tel foono ayaa laga qortay, waa noo berito ayaa layiri. Maalintii dambe kaawada cidi sooma xaadirin, odayaashi waxay noqdeen mid qaxay iyo mid dhuuntay.
Sheekadaan waxaan kasoo xigtay mid ka
mida odayaashi arintaanu qabsatay, oon
shalay la sheekeestay.

BY CMJ

Advertisements

Fikir kaada ka dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s