status Hollande: Dagaal diimeed ma dooneyno

Niger waxaa ka socdo dibad baxyo looga soo horjeedo sawir gacmeedka
Madaxweynaha Faransiiska Francois
Hollande, ayaa sheegay in uusan
marnaba aqbalayn in uu dabinka ugu
dhaco “argagixisada” oo uu faraha la
galo dagaal diimeed.
Mr Hollande ayaa hadalkaasi jeediyay xilli dibad-baxyo ka dhanka ah Faransiiska ay ka
socdaan waddamo badan oo uu ka mid ah dalalka Islaamka.
Dibadbaxyada ugu ballaaran ayaa waxa ay ka dhacayaan dalka Niger oo illaa todobo kaniisad lagu gubay.
Mr Hollande ayaa sheegay in Faransiisku uu ahaanaya dal calmaani ah oo u furan
diimaha oo dhan.
Waxa uu ugu baaqay dadka dalkiisa in ay
midoobaan oo ay ku dhegnaadaan
mabaa’diida dalkooda.
Dadka isu soo baxay waxaa u badan
dhallinyaro Dhanka kale dibad-baxyada ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Niamey ee dalka Niger ayaa waxaa ka dhashay khasaaro nafeed iyo mid maalba.
Dadka dibad-baxyada dhigaya ayaa dab
qabadsiiyay kaniisado isla markaana jeex- jeexay nuqullo ka mid ah Baybalka.
Dadkaasi ayaa arrintaasi uga jawaabaya
daabacaadda sawir gacmeed uu wargeyska Charlie Hebdo uu ka sameeyay Nabi Muxammed NABAD GELYO IYO NAXARIIS KORKIISA ALLAHA YEELee
Baadari lagu magacaabo Zakaria Jadi, oo
kaniisaddiisa la gubay ayaa BBC-da u
sheegay in waxba aan looga tagin meesha.
Dalalka kale ee dibadbaxyada ay ka dheceen
waxaa ka mid ah, Pakistan, Turkiga, Yaman,
Soomaaliya iyo kuwa kaloo badan.
XIGASHO BBCSOMALI

BIYACADE KALA SOCO ARIMAHA BULSHADA.

Advertisements

Fikir kaada ka dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s