juxe | Caruureey sheekadeeyna maanta waxaan ku soo qaadaneynaa juxe’

Caruureey sheekadeeyna maanta waxaan ku soo qaadaneynaa juxe’

Juxe sida soomaalidu u taqaano had iyo jeer waa nin lagu soo qaato sheekooyinka dhaca.
Juxe marna waxa uu keenaa sheekooyin uu ku matalayo doqon iyo kuwa uu ku matalayo caqil.

Maanta sheekadeeyna xuje waa doqon:

Waxaa la yiri bari baa juxe inta baxay ayuu geed koray si uu uga soo jarto laan weeyn ee uu ku dhisto albaabka guriga.

xuje wuxuu koray geedkii wuxuuna ku fariistay laantii uu jari lahaa asagoo uga fariistay kala badh qeeyb.

Xuje wuxuu guda galay in uu ka jaro dhanka laanta geedka kaga dhagan tahay,
Xuje oo geedkii jaraya baa waxaa u yimid nin socota ahaa markaas buu arkay xaalka uu xuje ku sugan yahay, ninkii baa ku yiri waar heedhe laanta weey kula soo dhici aad jari ee jooji ha jarine.

Xuje wuu iska dhaga la’aaneeyay ninkiina inta iska aamusay ayuu baxay, goortuu laba tilaab qaadayna xuje laantii baa la soo dhacday, markaas buu inta ka jajaftay buu ninkii daba cararay asagoo leh: yara I sug ina adeerow yara I sug ina aderrow, ninkii baa u istaagay oo ku yiri Oo maxaad dooni, xuje baa yiri: waar nin yahaw adigu waxa soo socda baad og tahaye waxaad ii sheegtaa goorta aan dhimanayo!, durbaba ninkii wuxuu dareemay in juxa doqon yahay, markaas buu ku yiri: waxaad dhiman marka dameerkaada inta qeeyliyo seeynta kor u qaado ( seeyn waa dabada raaracda) misana dhuuso goortaasi ayaad dhimaneeysaa,.

Juxe xaalkiisa waa allow sahal wuxuuna iska aaday guriga.

Maalin jimca ah asagoo guriga jooga ayuu maqlay dameerka oo qeeyli haa wuu orday misana eegay oo seynta kor buu uqaaday dameerkii wuuna dhuumayaa qeeylinayaa, juxe wuxuu u qaatay in geeridiisii imaaday, wuxuu qaaday go’iisii wuxuuna ka baxay magaalka asagoo seexday geed hoostiisa.

Dad musaafur ahaa oo wadada maraya misana lunsan oo tilmaam raba baa u yimid oo hurdadii ka kiciyay, waxeeyna ku yiraahdeen na tilmaam oo magaalada xagee beey naga xigtaa?

Juxe ayaa ku jawaabay war goortaa noolaa magaalada halkaa beey naga xigtaye inadaaya weeynu dhimanaye ma’aakhira baan idinka joogi la’ahay aduun baadba nagu dhibteene!

Dadkii baa yaabay oo ku yiri waar waad nooshahaye meeyd ma hadli meesha isaga kac Oo magaalada ina geey aanu is raacnee.

Juxe wuu ku gacan seyray balse muda kadib gaaja ayaa qabatay wuuna adkeysan waayay haraad baa ugu darsoomay oo inta soo istaagay yiri waar aakhirana ma gaaja baa ka jirta jahwareernaye

 

Advertisements

Fikir kaada ka dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s