chat Naxariista hooyo iyo dhaqanka cariirta

Wiil Dhalinyaro ah ayaa Damcay inuu
Hooyadii Buur Dheer Dusheed Dhigo si uu
Kalkaa Waraabaha iyo Libaaxu ugu Cunaan,
isna uu uga Reysto Hadalkeeda, ileen Waayeel
ayey noqotay, Dabeeto Gurigii ayuu ka soo
Kaxeeyey Hooyadii, wuxuuna la soo Dhex
maray Keyn ween, sidaasi darteed Hooyada
waxaa galay Shaki aad u weyn, weyna
Dareentay inuusan Xaalka Wiilkeeda Maanta
Caadi aheyn, haddaba Muddadii ay Keynta ay
ku soo jireen ayey Hooyadii waxey Jar-
jareysay Caleemaha Geedaha iyo Dhirta,
waxeyna ku Tiirineysay Dhulka, ilaa meeshii
Buurta aheyd ee uu Geeyey Hooyadiisa,
dabadeed Hooyadii ayuu keenay Buurtii, meel
ayuuna Fariisiyey, wuxuuna ku yiri Hooyo i
sug waan kuu soo laabanaa, ka dib markuu
soo noqonaayey ee uu Keyntii Dhex
maraayay ayuu iloobay Waddadii uu Guriga
ugu Noqon lahaa, wuuna Garaan waayey
Halkii uu Hooyo kaga soo tegay, intaas ka dib
wuu Qeyliyay isagoo leh Hooyo, Hooyo,
Hooyo…. markaas ayey Hooyadii si Naxiis leh
ku tiri:- Hooyo Maxaa ku Helay?, kolkaas ayuu
ku yiri:- Hooyo Jidkii aan ku Imid aayana
Garaan waayey, bal Fiiri Hooyo waxey ugu
jawaabtay, waxey ku tiri:- Hooyo Dhirta aan
Jar-jaray dib u Raac si ay Guriga kuu Geyso,
adiga ayan kuu dhigay si ay Tilmaan kugu
noqoto. Subxaanalaah Bal Eeg Hooyo
Naxariisteeda.
Wabillaahi Towfiiq.
(ALLOOW HOOYO JANNADA KA WARAABI).
10 July 2014 · Public · in Timeline

https://m.facebook.com/492755347459494/photos/a.492759177459111.1073741827.492755347459494/650390695029291/?type=1&refid=17

Advertisements

Fikir kaada ka dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s