status Maxaad ka taqaan taariikhda Ibnul Calqami shiicigii burburiyay Khilaafadii Cabaasiyiinta

Maxaad ka taqaan taariikhda Ibnul
Calqami shiicigii burburiyay Khilaafadii
Cabaasiyiinta

Ibnul Cal-qami wuxuu ahaa munaafaq,
Raafida Ithnaa cashriya (kuwa mushrikiinta
ee shiicada ka tirsan ee lacanada
Saxaabada), wuxuu ahaa faasiq dadka isku
tusi jiray inuu yahay saalix taqi ah.
Ninkan wuxuu si sir ah ula xiriiri jiray
boqorkii Mongoliyiinta ama Tataarka
warqaduu u qorayna sidan bay ahayd;
“waxaan doonayaa inaan kaa caawiyo
qabsashada magaalada Baghdaad
shuruudna waxaan kaaga dhigayaa inaad
Khilaafada Muslimiinta meesha ka saarto”.
Ibnu Katheer wuxuu ninkan uga hadlay
buugiisa taariikhda, Al-Bidaayah wan-
Nihaayah
Ibnul Calqami wuxuu ahaa Raafidah shiici
ah, isagoo sidaas ah ayuu Khilaafadii ka mid
noqday weliba wuxuu qabtay jago maanta u
dhiganta mida Ra’iisul Wasaaraha oo kale,
sababtana waxay ahayd aabihii iyo
awowgiisa oo Sunni ahaa, Amiirkii
Khilaafadii cabaasiyada ee markaas jirayna
kuma baraarugsanayn ninkan wuxuu u
maleegayo. Ibnu Calqami wuxuu doonayay
inuu dhiso dowlad ay Shiicadu leedahay
marka uu burburiyo Khilaafada ka dib.
God ha qodin hadaad qotana ha
dheereyn inaad ku dhici ma ogide. Ibnu
Calqami maxaa uga hirgalay qorshihiisii?
Ibnul Calqami wuxuu moodayay hadduu
Gaalada caawiyo oo uu ka taqaluso Sunniga
in dowlad ay Raafidda leedahay ay u taagmi
doonto dadka Shiicada. wuxuu maleegay
qorshe uu ku kala dirayo ciidamadii
Muslimiinta, isagoo hadba Khaliifka inta u
tago ka dhaadhiciya in la fasaxo 15,000
ciidamo ah oo howl gab laga dhigo, isagoo
ku andacoonayay in loo baahan yahay in
miisaaniyadda la dhimo, askartan tirada
badanna aan loo baahnayn, haddana
markale oo xigtay wuxuu sii dhimay 15,000
kale markalena wuxuu sii dhimay 20,000 oo
hor leh, halka khaliifkii uu iska dagan yahay
qaafilna uu ka yahay ninkan iyo
mu’amaradda uu maleegayo, isagoo weliba
u arka khabiirkiisa ugu wanaagsanaa oo
siinaya talooyin wax ku ool ah.
Waxaa intaasoo dhan ka darnayd markuu
Ibnul Cal qami si shaqsiyan uu u xushay
20,000 oo ciidankii dagaalyahanadii ugu
wanaagsanaa ahaa inta hubkii ka dhigay
buu guryahoodii u diray, ciidankaas waxay u
dhigmeen 1 milyan oo Tatar oo askari,
geesinimadooda iyo dagaal aqoonidooda
awgeed. Ibnul Calqami sidaas ayuu ku
waday inuu aayar aayar ciidankii u kala diro
ilaa ay ka soo hareen uun 10,000 oo qura.
Intaanoo dhan Khaliifku waa ka qabar daar
oo kuma baraarugsana ninkan wuxuu
maleegayo iyo sirtiisa. weliba wuxuu ka sii
daba tegay inuu 10,000 ee soo hartay uu sii
kala dhimay, isagoo waardiye uga dhigay
suuqyada iyo Masaajida iridkooda. qaarna
wuxuu u diray koonfurta magalada
Baghdaad inay waardiye ka qabtaan.
dabadeedna wuxuu la xiriiray Hulagu Khan
hogaamiyihii Mongoliyiinta oo awoowgiisu
ahaa Gengis Khan wuxuuna ku yiri
Baghdaad kaga imaaw dhanka waqooyi
isagoona ku yiri ciidanka waxaan aadin
doonaa inay waardiye ka qabtaan dhanka
Koonfur iyo bariga magaalada.
Dabadeedna ciidankii Tataarka oo
hogaaminaya abaanduule la yiraahdo At-
Tuusi ayaa soo gaaray duleedka magaalada
Baghdaad ayagoo markii hore la kulmay
Ibnul Calqami, dabadeedna Ibnu Al qami
wuxuu u soo laabtay Khaliifadii,
Khaliifadiina wuxuu ka soo dhaadhacsiiyay
inuu la kulmo Hulaagu Khan oo
hogaamiyaha guud iyo abaanduulahan,
iskuna duleeyo Hulaako iyo abaandulihiisa
maslaxada wadanka awgeeda, wuxuuna u
ogolaaday Khaliifkii inuu siinayo daqligii
khilaafada soo galay sanadkaas barkeeda .
waxaana goobta xaadir ku ahaa 700 oo
xaakim, culumo iyo dadkale oo
mansabkoodu sareeyo.
Waxaa la yiri Hulaako markii uu la kulmay
Khaliifadii wuxuu markii hore ka dilay 17
ilaaladiisii la socotay dabadeedna Khaliifkii
wuxuu ku soo laabtay Baghdaad ayadoo ay
la socdaan Ibnul Calqami iyo AT-Tuusi
wuxuuna dib ugu soo laabtay Hulaaku
Khan, isagoo wada dahab badan iyo hanti.
mar Alla markuu uu ka soo dhaqaaqay amar
waxaa lagu bixiyay in la dilo waxaana la yiri
waxaa ku talo bixiyay Ibnu Al qami laftigiisa.
waxayna u dileen si arxan daran teendhadii
uu ku jiray inta dul duu duubeen oo ay
xarig ku xir xireen bay kabahoodii buutka la
dhaceen dabadeedna fardahoodii bay ku
dul kaxeeyeen ilaa heer lafahiisii uu ka bur
buro sidaasna ay nafta kaga baxdo.
Sidaasna Ibnu Al qami wuxuu ku noqday
mid ka mid ah khaa’iniintii Islaamka soo
martay kuwoodii ugu darnaa isagoo gudaha
ka burburiyay khilaafadii.
Hulaako Khan wuxuu soo galay magaalada
Baghdaad xili hore oo aroornimo wuxuuna
bilaabay inuu dilo haweenkii, caruurtii,
duqowdii. waxay ku kaceen kufsi, waxay
jarjareen dadkii Muslimiinta. waana
xasuuqii ugu weynaa ee ka dhaca dalka
Ciraaq taariikhda. waqtigan casriga ah
waxaa la xusuustaa xasuuqyadii Falluujah
iyo Basra.
Ibnu Katheer oo ka hadlaya xasuuqan
wuxuu yiri “markii la dilay Khaliifadii, waxay
weerar ku ekeeyeen wadankii oo idil, ayagoo
dilaya ruux walba oo ka soo hor baxa,
ayagoon u kala aabo yeeleynin rag, dumar,
iyo caruur. waayeel iyo dhalinyaro, ruux
jiran iyo ruux fiyow. dadkii heer waxay
gaareen ay ceelasha iyo beeraha ay ku
dhuuntaan ayagoo halkaas isaga jiray
maalmo dhan si aan loo helin dabadeedna
xagii buuraha ayay u baxsadeen.
Tataarkii dilkoodii baahsanaa bay sii wateen
ayagoo dadka ku dilaya bartanka
guryahooda iyo saqafkiisaba, sidkoo kale
Masaajidii dhexdooda ilaa heer dariiqyadii
lagu arko dhiig sidii dadkii oo kale u
qulqulaayo oo socda . qof ka badbaaday ma
jirin marka laga reebo Kirishtaankii iyo
Yuhuudii iyo intii gashay hoygii Ibnu Al
qami. dilkana wuxuu soo socday illaa tirada
dadkii ku dhintay ay gaarto qiyaastii 1Milyan
iyo Sideed boqol oo kun oo ruux”.
Xasuuqan waxay wadeen 40 maalmood ilaa
ay waayeen ruux Muslim ah oo ay dilaan oo
ishoodu qabato. Ibnu Kathiir wuxuu
Baghdaad ku sheegay markaas inay meydkii
dadka uu buux dhaafiyay ilaa heer uu gaaro
ruux inuu la neefsan waayo qurunka ka soo
haadayay meydadka meel walba daadsanaa
waxaana ka dhashay cuduro ay dad kale oo
hor lihi ku sii dhinteen. dabadeedna
Bagdhaad waxay sidaas gacanta ugu gashay
Tataarkii eheladii dadka laga dilayna maysan
awoodin inay aqoonsadaan dadkii laga dilay
waayo si xun baa loo jarjaray jirjirkoodii
qaarkoodna mudo markay dibada iska
aaleen baa jirkoodii isbedelay.
Ibnu Al qami hadafkiisii ma gaaray?
Hulaako Khan wuxuu u yeeray Ibn Al-qami
markii intasoo dhan ay dhacday isagoo
ogsoonaa inuu yahay ninkan munaafaq aan
la aamini karin wuxuuna ku yiri :
“si fiican baad noola shaqaysay laakiin
abaalkaada waxaan ka dhigayaa inaan si
xun kuu dilo waayo jazahaaga waa sidaas”.
Munaafaqii khaa’inay khilaafadii iyo
Muslimiintii waxaa laga soo laalaadiyay
geed markaas jirkiisa inyar inyar loo
googooyay sidaasaana u dambaysay.
Hadaad u fiirsato duullaankii ugu
dambeeyay ee Ciraaq uu ku qaaday
Maraykan iyo xulufadiisa waxaa hor kacayay
Shiicada oo gacanta u galiyay dalkii kaalin
lixaad lehna ka geystay xasuuqii iyo xarigii
lagula kacay Muslimiintii Ahlu Sunnaha
ahayd. waxaad la xusuustaa hada
wadaadkan Shiicada ugu sareeya Sistaani
inuu berigii Maraykanka aanu dhiibin fatwo
la isaga difaacayo bal dadka wuxuu ku
booriyay in lala shaqeeyo hadana waxaad la
socotiin maalmihii la soo dhaafay inuu iska
soo daba soo saarayay fatwooyin lid ku ah
Sunniga khaa’inamadoodiina ay soo baxday.
Raafidda sidii waagaas Ibn Al qami
hadafkiisii u gaari waayay ee u duloobay
ayay maantana u duloobi doonaan Insha
Allah.
W/Q Abuu Badriya

Advertisements

4 comments

  1. Masha allaah waxaan faaideeysanay wax yaabo nafteyna aysan aqoonin waxaana leenahay waxaan rajeyneynaa in aad soo qori doontaan kuwa u dhigma kuwa hada aad soo qortaan ajarna allaha idinka ka siiyo annagana allaha nagu anfaco
    Aamin

    Like

Fikir kaada ka dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s