100 ka qof ee dunida ugu magaca dheer

Waxa KOW ka ah NABI MUXAMED (CSW)!!!
Sida ay tilmaaman Taariikhyahanada dunida
badh badan oo ka mid ah in casir kasta oo aad
nooshahay waxa agagaarkaaga ka dhacayaa
( tariikhdan maant) in ay la mid tahay bog ka
mid ah bogagii tariikhdii adiga kaa horaysay, oo
ay kaliya tahay buugii oo dib loo daabacay.
Taas macaneed waxa weeyee in ay dunida soo
mareen waxa badan oo ka mid ah waxa ka
dhacay hada dunida muslimiinta, sidaas dareed
dadka tariikhda dunida faaleeya ay tilmaamaya
in dadkii dunida kaga tagay raad aan ilaa iyo
hada go’in ay suurta gal tahay inay soo maraan
dad u dhigma dadkaas oo leh sifooyinkii ay ku
gaadheen inay ku mutaystaan in ay ka mid
noqdaan 100-ka qof ee dunida ugu samaaynta
badanaa, waayo bay leeyihiin waxa ay
sugaanta caalimga qaybeheeda dahabiga ahi
timaaman in aanay waxa kale qaban dadkan
guulaystay ee kaliya ay u qaybtaan si kale
duwan arimah, waa xikmada tidhaa “ winners
don’t do different things, but they do things
differently”.
Hadaba waxaa milicisan doonaa buuga uu
qoray qoraaga caanka ee Micheal H.Hart , oo
ah qoraa reer galbeed ah kaas oo si wayn looga
dhagaysto dunida reer galbeedka, hart
buugiisan waxa ku jira dad badan oo diimo
kale duwan aaminsanaa, liiskan oo aan ku
sheegi doon qaybaha hoose ee maqaalkan,
ayaan ugu horayn is waydiin doonaa waa kuma
Michal hart?.
“ Micheal hart waa yuhuudi American ah oo ku
xeel dheer cilmiga barshada isku dhiska walxeed
ee dayax iyo xidigaha (the scientific study of the
physical and chemical structure of the stars,
planets), Michael hart oo ah qoraa caan ah oo
dunida laga yaqaan kaas oo qoray buugaag
badan oo taariikh ah iyo maqaal badan oo kale
duwan kaas oo uu ku qoray jariirado caalimi ah,
M.Hart oo isku tilamaamay inuu qadirani iyo
ixtiraamba siiyo fikradaha dadka kale duwan
sida dhaqanadooda, fikaradahoodu kuwasoo oo
aaminasan waxa ka duwan mabadiida uu
aaminasanyahay micheal hart (Jeffersonian
liberal), halka dadka dhacaleecyaan ay ku
tilmaaman conservative iyo separatist. Micheal
hart waxa uu ka qalin jabiyay machadka
sayniska ee BRONX HIGH SCHOOL OF
SCIENCE, hart waxa uu ka qaatay degree
cornell university xaga xisaabaad ka, halka uu
mar danban ku diyaaray shahaada sare ee
PH.D. Hart waxa cilmiga barshada isku dhiska
walxa ee dayax iyo xidigaha ( astrophysics ) ku
qaatay jamaacada Princeton University , hart
sidoo kale waxa uu haystaa degree madooyinka
physics, astronomy iyo computer science. Hart
waxa kale oo uu ahaa cilmi baadhe ka tirsan
hayada NASA intii aanuu noqon professor bixiya
maadada physics jamaacada Trinity University
ee ku taala San Antonio, gobolka Texas ee
wadanka markanyka. Hart waxa kale oo uu
waxa ka dhigay Anne Arundel Community
College ee gobolka Maryland.
Buugiisii ugu horeeyay ee uu qoray micheal har
oo aha kan aan in yar ka soo qaadan doono
waa buug saamayn badan dunida ku yeeshay
waxa uu kaga hadalyaa oo liis garaynayaa 100-
kii qof ee dunida ugu samaaynta badaan ee soo
mara tariikhda dunida, buugan oo laga
samyeeyay in ka badan 500,000 kun oo copy,
laguna turjumay in ka badan 15 luuqadoo . Hart
buugiisa sadexaad oo isna layidhaa A View
from the Year 3000 , kaas oo uu kaga hadalaya
taariikhda dunida iyo siday noqodoonta sanadka
3000, yaa saamayn yeelan doona iyo sida ay
noqodoonto aqoonta cilmiga technologa marka
laga gaadho sanadkaas.
Hart buugiisa afraad oo isna ka hadlay fahmaka
tariikhda aadamaha (Understanding Human
History) kaas oo uu kasoo bilaabay 100,000
sandood ka hor tariikhda maanta, buugan oo uu
ku jira falqayn xaga walba ha sida dhanka
hormarka, qayba xiisa badan ee uu ku jira
waxaa ka mida kala duwanaasha xaga fahamka
ee dad kala aragitda duwan leeyihiin iyo
saamaynta ay ku reebtay taariikhdooda dunida.
Isku soo wada duuboo hart waa qoraa aad
looga dagaysto dhinca reer galbeedka marka
laga hadlayo xaga taariikda.”
Sidaas daraadeed waxaan bal eegi doonaa
micheal hart sida uu dhigay dadka dunida
samaaynta badan ku yeeshay. Ugu horayn
buugan la magac baxay (The 100: A Ranking of
the Most Influential Persons in human
History) oo ah boqolkii qof ee dunida ugu
samaaynta badan oo raadka ay ka tageen uu
ilaa maanta taagan yahay, buugan oo version-
kiis u horeeyay soo baxay 1978, mar labaadan
waxaa dib loo daabacay sanadkii 1992 taas oo
waxa uun ka badalnaa kii ka horeeyay.
Hart waxa uu soo qaadanayaa dad kale duwan
iyo sababta uu ku doortay iyadoo uu falaqayn
gaar ah mid walba ku samaynay iyo waxa uu
soo kordhiyay qof kani iyo liiska halka uu
qalmo. Hadaba waxa ka yaabayay in badan
akhristaayasha reer galbeedka waa qofka ugu
horeeyay ee kaalinta kowaad uu soo dhigay
ninka buuga qoray, balse waxaa doodiisa
diibtay qoraaga buuga oo qiray raad
taariikheed uu meel uu ka dhaaf waayay,
micheal hart waxa uu ku bilaabay liiskii sida
tan.
1. NABI MUXAMED (CSW)
“ waxa laga yaaba doorasha aan doortay Nabi
MUXAMED (CSW) inuu hogaamiyo liiska 100-ka
qof ee ugu samaayna badan dunida inay ka
yaabiso dadka qaar, halka qaar kalan ay suaal
galiyaan lakiin waxa uu ahaa qofkii kaliya ee
tariikhada sida wayn ugu guulaystay xag kasta
ha ahaato mid diineed iyo mid maadiba.
Micheal hart isaga oo ka hadlaya saamaynta uu
ku yeeshay dunida nabi Muxamed (CSW) ayaa
waxa uu tilmaamayaa inuu aasaasay oo
dhibada u taagay mid ka mid diinama dunida
ugu wayn bale ay tahay ta ugu fidisita badan
dunida oo dhan, hart waxa uu yidhi,
“Nabi muxumed (CSW) waxa uu aasasay mid ka
mid diimaha dunida ugu wayn, waxa kaloo uu
noqodoy hogaamiye si wayn ugu guulaystay xag
siyaasada, maanta oo laga joogo 14 qarni
geeridiisii, hadan wali waxa jira samaayn aad u
xoog badan oo uu ku leeyahay dunida, marka
loo eego diimaha kale oo dhan, islaamku waxaa
diin ugu samaaynta badan dunida marka laga
hadalaayo dadka rumaysan, sidoo kale waa
diinta ugu fiditaanka badan. Sidaas daraad
waxaa qabaa inuu ahaa qofkii ugu samaynta
badanaa ee taariikhda dunida soo mara.
2. Isaac Newton: Hart waxa uu qofka labaad u
doortay Isaac newton , newton waa
sayanisyahan engiriis ah oo ku xeel dheer
cilmiga physics-ka waxaa uu soo saaray xeerka
cuf is jiidadka (universal gravitational force).
Iyo sadaxda xeer ee motion-ka (three laws of
motion), sida ay tilmaantay cilmi baadhis
(survey) ay sameeyan saynisyahada iyo
Britians royal society ayaa newton noqoday
saynisyahanka ugu saamaynta badan dunida,
iyagoo is waydiiyay yaa samayn badan newton
iyo albert Einstein .
3. JESES CHRIST (NABI CIISE CSW) Hart waxa
uu kalinta sadexaad u doortay nabi ciise (cs)
isagoo dood far badan ay ka dhalatay lakiin
hart ay sababeeyay sababta uu ugu doortay
kaalintan.
Hadaba bal aan eegno liiska oo dhamayasiran.
Rank Name/Magaca Influence/raadka uu reebay iyo
waxa uu soo kordhiyay
1 Nabi Muxamed
(CSW) ﺭﺳﻮﻝ ﺍﻟﻠﻪ ﺻﻠّﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺳﻠّﻢ
2 Isaac Newton
physicist; waxa uu soo saaray
xeerka cuf is jiidadka iyo
sadexda xeer oo socodk ah
(motion)
3 Jesus Christ * Nabi ciise (CS)
4 Buddha
Aassasah diinta buddhism ka
taas oo dad badani
aaminasayihin
5 Confucius
Aassasah diinta Confucianism
taas oo dad badani
aaminasayihin
6 St. Paul Waa ninkii hirgaliyay
Christianity
7 Ts’ai Lun
Waa ninkii Soo saaray warqada,
dadka qoraalka adeegasada
ayaa in badan xasuusan raad ka
uu reebay.
8 Johann
Gutenberg
Waxa uu soo saaray aalada
waxa lagu daabaco ee movable
–ka ah; or printed Bibles
9 Christopher
Columbus
Waa badamareenkii calamiga
ahaa ee daah furay qaarad
american
10 Albert Einstein
Waa saynis yahankii ugu
waynaa ee soo mara qarniga
20aad sidoo kale waa physicist
soo saaray xeerka relativity; or
Einsteinium physics
11 Louis Pasteur scientist; pasteurization
12 Galileo Galilei
Waa astronomer; waxa uu si
quman u sharxay heliocentric
solar system
13 Aristotle
Waa saynisyahan am
philosopher u dhashay wadanka
Greek.

Advertisements

Fikir kaada ka dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s