Cabdi wali gaas soomaali ma yahay

“Waa su’aal madaxa daalineysa dadkuna aysan
fileyn in qof ku magacaaban Madaxweyne gobol in
wadaniyadiisa shaki la geliyo. Su’aashan waxa
dhaliyay hab-dhaqanka foosha xun oo rakhiista ah
uu Cabdiweli caadeystay. Marki loo doortay
madaxweyne-ku-sheega Puntland wuxuu ismooday
inuu cid waliba ka sarreeyo, wuxuu la soo baxay
kibir iyo isla weyni, kibirkana culumada ka
hadashay waxay ku tilmaameen CALAMATUL
JAHLI, Talyanigana wuxuu yiraa ”La prepotenza
segna dell’ignoranza ”. Wuxuu aaminay inuu siduu
doono u hadli karo, qofkuu doono aflagaadeyn karo
wax ka xaaraan ahna aysan jirin, ilaa uu gaaray
heer uu wax kasta oon asaga ka imaan uu caarido
kana soo horjeesto.
Nasiib darro, C/weli ma dareensana ilaa iyo hadda
inay joogaan Puntland dad asaga ka wadanisan, ka
aqoon badan kana karti badan, laakin ka
xishoonaya inay u dhaqmaan sidiisa oo kale.
Su’aasha cinwaanka jawaabteeda waa inuusan
shaqo ku lahayn Somalinnimo, tani micnaheedu ma
ahan inuu u dhaartay calan kale uuna sito
baasaboor dal kale, balse waa inuu ka soo
horjeedo wax kasta oo dan u ah dalkaan iyo
dadkaan. Wuxuu mar kasta ka shaqeeyaa in aan
marna la heshiin, wadahadal wax ku ool ahna la
yeesho, lagana tashado sidi dalka loo hormarin
lahaa oo mustaqbalka ummadda looga tashan
lahaa.
Runtii waa arrin aad loogu farxo inuusan Cabdiweli
ka soo qayb gelin shirka ka dhacaya Xamar,
waayoo joogitaankiisu waa carqalad ku hor gudban
in laga arrinsado mustaqbalka dalkaan. Waxaa jira
tiro aan yareyn oo isaga oo kale ah waxayna si
caddaan ah uga soo horjeedaan in Somaliya ay
tashato oo ay si uun isu afgarato, kuwaasoo badi
dibadaha ka yimid, sidi isaga oo kale, oon marna
dan u heynin ummaddaan…kuwa aan ka hadleyno
waa kuwa barlamaanka ku jira iyo qaar website-yo
wax ku soo qora ama ka hadla raadiyaasha iyo
TVyada loo adeegsado hagardaamada Somaliya.
Ninki la yiri mustaqbalka dhaw ee Somaliya ayaa
laga hadlayaa oo diiday inuu ka qayb galo ama
yimaado madasha dalkaan uma dhalan danna uma
haayo ee ha laga tashado intey goori goor tahay.
C/Weli waa ka soo horjeedaa inay dhalato dowlad
goboleed aan jufadiisa ahayn, wuxuuna ku
dadaalaa in kuwa hadda la dhisay ay dumaan oo
dagaal dhexdooda ka qarxo, waana tan uu ka
shaqeynayo saacad kasta in gobollada dhexe
aysan dowlad ka dhismin, hamigiisuna waa Mudug
inuu laba gobol u qaybsamo, waayoo tuuladi uu ku
dhashay ayaa ku taallla. Waa nin jecel in Xamar
lagu kala cararo oo aysan degganaan iyo
nabadgelyo marna helin dadka ku nool oo ay aad u
neceb yihiin isaga iyo saaxibadiis.
C/weli Gaas waa in laga mamnuucaa inuu weligii
Xamar yimaado, hadduu soo galana waa in la xiraa
isaga iyo wixi la fikir ahba, waayoo waa cadaawo
nagu dhyex nool oo jecel in dalku dumo haddeysan
iyagu ka talin…wuxuu raadinayaa in dhaqaalaha
dalka afka ciidda gashto kaddib markuu soo
daabacay lacag been-abuur ah oo qaybinteeda uu
billaabay kaddib markuu geeyay Kismaayo, Xamar-
na laga yaabo inuu u soo dhiibo dadka aan la
fatashin, sida Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee
baarlamaanka oo ka mida dadka uu ku addeeegto…
waryaa ninkaan ila arka!!..waa hubaa in dad badan
ay arkayaan waxa uu ku kacaayo laakin ay iska
aamusan yihiin waayoo waa dad xishooda, hab-
dhaqanka C/weli waa wax aan laga xishoon karin
una baahan in la wada arko lagana hortago
hagardaamada uu dalkan u horssedi rabyo…
waayoo waa cadaw..wa tuu ILAAHEY subxaanahu
wa tacaalaa ku yiri Abuunaa Aadam ” Sheydaan
waa cadawgaaga ee cadaw ka dhigo”
DIGNIIN ku socota reer Puntland: C/weli Gaas iska
qabta wuxuu idiin abuurayaa cadaw meel kasta ay
Soomaali joogto ”he is good in creating and
collecting enemies”!!!
Cabdiweli waa cadaw ee sidaas u arka Somaliyey.
W/Q: Cali Mubarak
ali_mubarak1@outlook.com”
  -cabdi wali gaas soomaali ma yahay

Advertisements

Fikir kaada ka dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s