Maqaal haweeneeyda ninkeeda caasiaa

wuxuu quraanka ku caddeeyey siduu ninku xaaskiisa ula dhaqmi lahaa hadday ku dhego adaygto ama amar diido noqoto. Wuxuu Alle subxaanuhu wa tacaalaa ku sheegay aayadda lambar 34 ee ku jirta suurat An-Nisaa “Haweenka aad ka cabsatasan caasinimadooda marka hore waaniya, kana fogaada inaad meel la seexataan edbiyana, hadday idin adeecaan korkooda wax jid ah laguma leh, Allena waa Sareeye Wayn.”

Ruuxa dumarka ah ee sawjadda ah wuxuu Alle ninkeeda uga dhigay gurigii ama hooygii ay degi lahayd oo ay ku noolaan lahayd oo ku nasan lahayd, iyana ninka wuxuu uga yeelay naxariis iyo raxmad. Wuxuu kalee Alle dhexdooda ka yeelay jaacayl iyo xiriir qoto-dheer.

Wuxuu Alle Sareeye ku caddeeyey aayadda lambar 21 ee ku jirta suurat Ar-Ruum “Waxaa ka mid ah calaamaadkiisa inuu idiinka abuuray naftiina haween si aad isugu xasishaan, kana yeelay dhexdiina

is-jacayl iyo naxariis, Taasina waxaa ugu sugan calaamd qoomkii si dhab ah u fakara.”

Rasuulkiina (scw) wuxuu yiri “Sawjadda qumman ee daacadda ah waata marka ninkeedu wax ku amro addeecda; markuu eegana farxad gelisa; markuu korkeeda ku dhaartana u oofisa; markuu ka maqnaadana xafidda magaciisa iyo maakiisaba.”

Isagoo ku waajib yeelay inay sawjaddu ninkeeda xushmayso oo ixtiraamto, Rasuulkii (scw) wuxuu yiri

Haddaan axad ku amri lahaa inuu u sujuudo axad kale, Alle ka sokow, waxaan sawjadda ku amri lahaa inay ninkeeda u sujuuddo.”

Wuxuu kalee Rasuulkii (scw) sheegay “Saddex salaadooda madaxooda taako sare loogama qaado (lama aqbalo): Saddexda waxaa ka mid ah sawjad seexatay oo soo toostay iyadoo ninkeedii (seygeedii) u cadhay sanyahay.”

Qof walba waxaa sugaya geeri iyo qabri iyo qiyaame iyo xisaab, markaa hala toobad keenoa oo amarka shareecada haloo hogaansamo oo halugu dhaqmo. Labada isqabaa waa inay jacayl kal iyo laab ah isu muujiyaan. Lama rabo nin jac-jacoor ah oo xilo gube ah oo dabci-xun. Sidoo kale lama rabo sawjad dhego- adag oo qunuunuc iyo qaylo badan. Labada is-qabaw dadaala oo qof kastow qoysku yuu dhankaaga ka dheeliyin.

Moxamed Cali Daad maxameddad@hotmail.com

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=25718

Advertisements

Fikir kaada ka dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s