xasan shiikh oo itoobiya looga yeeray

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uu uga qeyb geli doono shir looga hadlayo arrimaha Koofurta Sudan.

Shirkan oo soconaya hal maalin ayaa Madaxda Gobolka uga hadli doonaan xaalada Koofurta Sudan, iyadoo warbixin looga dhageysan doono Ergeyga IGAD u qaabilsan Koofurta Sudan oo ka warbixin doona xaaladihii u dambeeyay dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hor inta uusan ka ambabixin magaalada Muqdisho, waxaa muddo saacado ah xirnaa wadooyinka qaar ee magaalada, halkaasoo ay xireen ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo diyaarad gaar ka raacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya qaar ka mid ah la taliyeyaashiisa iyo Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka, waxaana sagootiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda.

Dhinaca kale waxaa xalay aqalka Madaxtooyada kulan albaabada u xirnaa ku yeeshay Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamanka iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo inta badan kulankan looga hadlayay arrimaha shirka Koofur Galbeed ee ka socda magaalada Baydhabo, iyadoo markii dambe Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ay kulan gaar ah isula hareen.

Safarka Madaxweynaha uu ku aaday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo wali uu taagan yahay khilaafka isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha u dhaxeeya, waxaana khilaafkan uu saameyn ku yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka oo labo dhinac u kala qeybsamay.

 

Fikir kaada ka dhiibo